Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

sheekada buugga "THE RULES OF LIFE" XEERARKA NOLOSHA.

Tags: waxa inaad tahay

Mr. Richard Templar waxa uu buuggiisaan kusoo gudbinayaa xeerar, talooyin iyo tilmaamooyin hadii aan dhaqan gelino nolosheenna ka dhiga sida ugu quruxda badan ee aan jecelnahay in ay ahaato, noloshaas oo ku asteysan farxad iyo guulo mira dhal leh. Waana sababta buuggan ka dhigtey mid aad loo jecelyahay misana loogu iibsiga badanyahay guud ahaan marka la joogo dunida buugaagta.

Sadarada soo socda Waxa aan isdultaag ku samayn doonnaa xeerarka iyo talooyinka ugu muhiimsan ee ku yimid buuggan qiimaha badan.

Halkan inta ka dambeysa waxa kula hadlaya waa qoraaga buugga.


HORDHAC

Waxa aan isku dayi doonaa in aan kuu soo aruuriyo misana sida ugu haboon kuugu soo gudbiyo xeeararka nolosha ee aan la'aantooda noloshaada hagaageynin, ogolow ama diid!.

Xeerarkanu ma aha kuwo ku xardhan dhagxaan dushood, ama wax aan la awoodin, ama aan la ogeynoo gabi ahaantood daahsoon. Waxaa ku dhaqma si caadi ah dadka guuleystey ee mar wal faraxsan, waxa aan ogaadey baadhis dheer dabadeed in dadka guuleystey ama noloshooda ku faraxsan ay ku dhaqmaan xeerarkan, halka kuwa guuldarreystey ama ku wareersan nolosha ay baal mareen ama aysan ogeynba xeerarkan ay leedahay nolosha. Shakhsiga guuleysta, sida caadiga ah ma dareemo inuu si caadi ah ugu dhaqmey xeerarkan, hase ahaatee kuwa aan ku dhaqmin ama aan ogaalkaba ulahayn ayaa had iyo goor dareema in ay jiraan wax ka maqan oo ay tabayaan, inta badan noloshoodana waxa ay ku bixiyaan raadinta waxan ka maqan, raadinta naftooda iyo raadinta mucjisada noloshooda micnaha u samayn doonta, hase ahaatee jawaabtu sida ay kuula muuqato uma cusla, Aririnkuba waxa uu ku aruursan yahay is bedel yar aad ku samayso hab-dhaqankaaga.


Xeerka 1aad "Jooji wax sheegsheegga".

Waxa aad dareemeysaa mararka qaar xiise aad u qabto qof kale oo aad kala sheekeysato ama aad u sheegto arrin aad sameysey ama aad samayn doonto, taasu waa wax iska caadi ah waxa aad dooneysaa oo kaliya qof kula dareema waxa aad dareemeyso. Hagaag. Suurtagal kuuma aha in aad sidaas samaysid!.

Cidna waxaba ha u sheegin, udaa iyagu ha gartaan waxa aad dareemeyso iyo xaaladda aad ku sugan Tahay, waxaa laga yaabaa in aad u aragto hadalkeygan mid cadaaladda ka fog, laakiin dhab ahaantii isagaa ugu dhow xaqiiqda.

Dadku marka aad waxa jira usheegto way kaa sii fogaanayaan, sow ma arag inaan neceb nahay dadka inta badan na wacdiya?!

Tusaale; Marka aad go'aansato in aad joojiso cabidda Sigaarka oo aad raadiso nolol caafimaad leh, isla goortaasna aad isku daydo in aad ka joojiso saaxiibadaa oo dhan cabidda sigaarka, mishkiladda aad la kulmeysaa way ka weyntahay sida fudud ee aad malayneysey!

Sababta oo ah iyagu uma diyaarsaneyn in ay kula qaadaan tallaabadaas, waxa ay kuu arkayaan in aad tahay kaligii arrimiye iyo tilmaamooyin kasii liita, waxa ay kugu naaneesayaan kii sigaarka cabbi jirey!!.


Sidaasi darteed xeerka koowaad ee xeerarka nolosha waa; cidka ha waanin, waxna ha sheegsheegin, ha isku dayin dadka kale in aad rogtid, intaad gurigaaga dhakadiisa fuushid aflabadii ha dhawaaqin, xitaa qofna dhegta ha ugu sheegin.

Wax sheegsheegaha lama jecla, af aamusan dhahab, ninkiisa qaali.


Xeerka 2aad "Qasab ma aha in gabowgu kuu siyaadsho xikmad".

Waxaa jira mala awaal sheegaya in mar walba oo aan sii gabowno, aan sii siyaadsaneyno xikmad, laakiin taasi dhabtii maahan inay run tahay, qaanuunka nolosha waxa uu ina baray in aan ahaaneyno uun sidii aan ahaan jirnay, laga yaabee in aan sameynin khaladaadkii aan samayn jirney, laakiin waxaan sameyn doonaa khaladaadyo cusub, khaladaadka uunbaa kala duwan, taasi maxuma ha didin oo waxaan ka baran doonaa waayo-aragnimo, laakiin ogow sirta waa: Inaad aqbasho oo aadan naftaada dhibin oo canaananin markii aad gasho khaladaadka cusub. Naftaada u naxariiso markaad khaladaad noocaas ah samayso, dulqaad yeelo oo aqbal in tani ay qayb ka tahay da'da aan laga dhaxli karin helitaanka xigmadda. 

Waxaan awoodi karnaa inaan aragno khaladaadka aan sameynay, laakiin wali awood uma lihin inaan aragno khaladaadka soo socda, Sababta oo ah xikmadda macnaheedu maahan in aan khaladaad la sameyn, laakiin waa in aan ka baranaa samata bixinta sharafteenna iyo badqabka maskaxdeenna.


Xeerka 3aad "Ogoloow wixii dhacay waa ay dhaceen".

Qof walba qalad ayuu sameeyaa, mararka qaar qaladaadkan waa kuwo aad u culus misana khatar badan, hase ahaatee badanaa waa kuwo aan ula kac ahayn ama kuwo shakhsi ah. Mararka qaar qofku waxa laga yaabaa inuusan ka warqabin waxa uu sameynayo, taas oo micnaheedu yahay haddii dadku si xun ula dhaqmaan qof, taa macnaheedu maahan in qaladku uu ahaa mid ula kac ah, ogow waxaa dhici karta in ay doqonnimo u geeysey.

Hadii aad dooneysid in aad ka takhalusto dareennada xanaaqa iyo shalaytada, waxa kaliya ee kuu suurta gelin kara waa in aqbasho inaad tahay noole basharka kamid ah, wixii dhacay way dhici lahaayeen oo way dhaceen hadii uu xumaa iyo hadii uu wanaagsanaaba.

Waxaad ogaataa.

Waan ogahay inay jiraan waxyaalo xun dabcan xun, laakiin waxaa kasii xun in aan u ogolaano in ay nasaameeyaan, waad ka madax banaanaan kartaa waxyaalahaas oo dhan, waxaadna ku badali kartaa sidan xun waayo-aragnimo togan, wixii dhacay waa ay dhaceen Oo waxaad u baahan tahay inaad uun ka booddo.


Xeerka 4aad "Aqbal naftaada"

Haddii aad aqbasho in wixii dhacay ay dhaceen, naftaada waxaad u aqbali doontaa sida ay tahay, awood uma yeelan kartid inaad dib laabatid oo aad wax beddesho, waxaa kugu waajiba inaad ka shaqeyso xaqiiqda naftaada, maahan inaad wax hagaajisid, beddesho ama aad u halganto ku habboonaanta, kaliya naftaada aqbal, taas micnaheedu waa inaad aqbasho dhibaatooyinkaaga shucuureed, dhammaan nabarrada xanuunka badan, daciifnimadaada oo dhan, iyo wax kasta oo naftaada ku dhaca.


Tani, sidoo kale micnaheedu maahan inaan ku faraxsanahay xaalad walba oo aan ku suganahay iyo inaan noqon doono kuwo aan dhiman doonid oo aan ku noolaano nolol xun.


Waxay ka dhigan tahay inaan aqbali doonno cidda aan nahay, oo waxaan isku dayi doonnaa inaan hore u sii socono, laakiin waxa aannan yeeli doonin ayaa ah inaan is qabsanno nafteena, haa wax badan ayaan iska bedeli karnaa, laakiin taasi waqti gooni ah uma go'na!


Runtii ma jiro wax la doorto. Waa inaan aqbalnaa nafteena sida aan nahay, wax kasta oo dhaca, taasi waa intaas, waxaad la mid tahay aniga sida aadanaha oo kale, hadii aad diidey in aad is aqbasho waxaa tahay qof aad isku murugsan, waxaad iska buuxisey damacyo, cabsi iyo xitaa dareen dembi, waxaas oo dhan waxay keensanayaan dhimrin, waxay la timaadaa khaladaad, niyad xumi, shaki aan xuduud lahayn, tani waa sirta weynaanta iyo kakanaanta aadanaha, midkeenna kaamil ma noqon karo, Waxaan wax ku bilaabeynaa waxa aan heysano, iyo wixii aan horeyba u aheyn, kadib ayaan yeelan karnaa doorasho maalin walba, Waa inaan u halgannaa sida ugu fiican iyo waxa ugu fiican dartii.

Jooji ugaarsiga khaladaadkaaga. naftaada u aqbal sida ay tahay. dhabarka saaro oo horey usoco.


Xeerka 5aad "Samee wixii muhiim ah iyo wixii aan muhiim aheyn".

Waxaan u maleynayaa in xeerkan macnahiisu yahay inaad diirada saarto waxa muhiimka u ah noloshaada, sameyso isbedelo wanaagsan si aad naftaada u farxad geliso. Tan macnaheedu maahan in la abuuro qorshooyinka mustaqbalka fog iyo faahfaahintooda oo dhan, laakiin taa badalkeeda waa in aad ogtahay guud ahaan waxa ujeedkaagu yahay iyo waxa aad sameyneyso. 


Feejignow halkii aad jiifsan lahayd.

Waxaa jira waxyaabo noloshaada muhiim u ah, iyo waxyaabo badan oo aan waxbo muhiim ah geysanin , umana baahan doontid dadaal badan si aad u kala soocdo, sidoo kale waxaana jira waxyaabo badan oo aan muhiim aheyn laakiin aad kala dooran karto. Marka aan sidaas leeyahay uma jeedo inaan ka dayno madadaalada gebi ahaanba nolosheena, laakiin waxaan jira waxyaabo kale aan sameyno oo aan muhiim aheyn. Ma jiraan wax khalad ah oo taas hore ka jira, waqti u samaynta asxaabta iyo kuwa aad jeceshahay waa muhiim, ogaanshaha moodada ma aha muhiim, bixinta deyntu waa muhiim laakiin nooca oomada dharka lagu dhaqo ma ahan wax muhiim ah, daryeelida caruurtaada iyo inaad barato qiyamka dhabta ah waa muhiim, laakiin haysashada moodada ugu dambeysay dharkooda wax macno ah ma sanayneyso.

Ma fahmaysaa waxaan ula jeedo?

Ka fikir waxyaalaha aad sameyso oo dhan, waxbadanna ka sii baro.


Xeerka 6aad "Noqo mid fikir dabacsan"

Mar alla markii aad hesho fikrad qaabaysan, qaab dhismeed murugo badan leh, waxaad lumisay guushii dagaalkaaga. Haddii aad heshid jawaabaha wax wal, waxaad joojin doontaa dhaqdhaqaaga guuldoonka ah. Markaad degto waddooyin sugan, waxaad isla goortaa qayb ka tahay taariikhda wixii tagay.

Si aad uhesho faa'iidooyinka nolosha, waa inaad ka yeeshaa dhamaan fursadaha ku horyaala kuwo furan oo aad kala dooran karto. Waa inaad maskaxda ku haysataa oo aad u diyaarsanaataa marka ay duufaantu dhaqaaqeyso, si aad uga gabato hadii aadan diyaar u ahayn inaad sii raacdo, waxaan hubaa oo aan kuugu dhaaranayaa duufaantu inta badan iyadoo aan la ogeyn oo aan loo diyaarsanayn ayay kacdaa..

Goor kasta oo aad go'aansato inaad qaadatid qaab/hab xiran oo aan khiyaar lahayn waxaad naftaada ku xukuntey in ay wadada dhinaceeda ku dhacdo iyadoo miir daboolan ama dhimatey, waxaad u baahan kartaa inaad si fiican u tijaabiso fikirkaaga si aad u fahamtid waxaan ula jeedo.

Fikradda dabacsan waxay la mid tahay fanka dagaalka .. Waa inaad diyaar u noqotaa inaad Orodo, kufto, kacdo, jiifsato, is beddesho, fadhiisato, qoddo, oo xatooto. Iskuday inaad nolosha inaadan u arakin sidii cadow oo kale, taa cagsigeeda u arag saaxiib la ah cunsur. 

Haddii aad dabacsan tahay waxaad dareemi doontaa madadaalo, laakiin haddii aad ku dhegan tahay go'aanno qalafsan isla markaaba waad dhici doontaa. Waa inaad nolosha u aragtaa hal adaygyo taxane ah, waa inaad u aragtaa hal adeyg kastaa fursad aad ku raaxeysato, wax ku barato oo aad ku ogaatid dunida, ku ballaariso khibradahaaga iyo asxaabtaada iyo moolka naftaada ee fog. hadii aad ka baqdo oo aad ka fogaato hal adeyga waxaad la mid tahay uun adigoo xabsi kor ka feydan is dhigey.


Xeerka 7aad "Ka warhay muuqaalka kore ee dunida".

In aad ka warheyso muuqaalka kore ee dunida waxay la macno tahay inaad ka warheyso oo aad horumariso naftaada, ha u qaadan in aan ku leeyahay dunida ayaa daryeel kaaga baahan! 

Xitaa uma jeedo inaan ku leeyahay daawo wararka, aqri buugaag badan, dhageysto ama daawo waxa hareerahaaga ka dhacaya. May, sidaa ma aha! 

Cayaaryahanka dhiifoon iskuma go'doomiyo noloshiisa gaarka ah, kuma noola oo galiya gurigiisa dhowrka mitir ka kooban, waxaa kugu waajiba inaad la socoto waxa dunida ka socda oo isbedello ah.

Yeelo awood aad ku ogaato wax walba oo soo dersa, taasi macnaheeda ma aha inaad maqasho dhawaaq walba oo yeera, hayeeshee waa in aad aragti cad ka leedahay wax walba oo isbedela, maxaa ka cusub? Maxaa ka dhacay caalamka aad ku nooshahay?!

Dadka kuwa ugu farxadda badan, ugu guusha iyo dheeltirnaata badan noloshooda waa kuwa qaybta ka ah wax walba, waa kuwo qayb muuqata ka ah caalamka, ee ma aha kuwa ku nool meel ka baxsan caalamka. Sidoo kale kuwa dhiirigelinta iyo soo jiidasha badan u fiirso noloshooda inta ugu badan waxay ku bixiyaan sidii ay u ogaan lahaayeen waxa ka socda dunida, lasocodka dunida waxa uu qayb wayn ka yahay horumarinta nafta.


Xeerka 8aad "Kaliya Kalluunka dhintey ayaa udabaasha dhanka ay biyaha u socdaan".

Dhab ahaantii noloshu way adagtahay, xeerkan wuxuu ku qotomaa inaan Ilaah ku mahadino, haddii ay ahaan lahayd noloshu wax fudud, ma aynaan la kulmi lahayn silic iyo imtixaan, ma aynaan waynaan lahayn oo waxba ma aynaan baran lahayn oo maba jirteen wax fursad ah oo nafteenna barbaariya noloshanana qurxiya. haddii noloshu ay ahaan lahayd taxane maalmo macaan, waan daali lahayn, roobka imaashihiisu waxba micna ah mayeesheen hadaanu ka horeynin kuleel iyo hanfi, sidoo kale farxadu ma yara marka uu joogsado roobka si aan xeebta u aadno. waa inaad ku mahdisaa eebbe had iyo goor, maxaa yeelay waxaad marwalba khibrad u kororsaneysaa nolosha, waana inaad ogaataa in kalluunka dhintay kaliya ee uu u dabaasho danka ay biyuhu u qulqulayaan, laakiin inteena kale ee nool had iyo jeer waxaan ku jiri doonaa halgan joogto ah. Waa inaan wajaheynaa biyo-qabatinnada iyo daadadka, ogow ma lihin wax doorasho aan taa ahayn, waa inaan sii wadnaa dabaasha ama biyaha ayaa nala tagaya sida kalluunka dhintey, mahdin eebbe dabadeed halganka joogtada ah ayaa inaga dhigana kuwo xoog badan, iskufilan, faraxsan oo xiiso badan.


Xeerka 9aad "La-taliye u noqo naftaada"

Gunta fog qofkasta oo inaga mid ah waxaa ku jirta xikmad, taasi waa waxa loo yaqaan dareenka .. Dhageysiga dareenkaaga waa habsocod waxbarasho oo tartiib tartiib ah, waa si wanaagsan inaan garasho u yeelano codkan hoose ee mugdiga fog ku jira, isaga (dareemaha) ayaa kuu sheegaya inaad sameysay wax ay ahayd inaadan sameynin. Waxay ubaahantahay aamusnaan iyo feejignaan dhageysiga codkan deganaanta badan ee kuu waramaya.

Waxaad ugu yeeri kartaa damiir haddii aad doonto, laakiin waxaad had iyo goor garan doontaa inaad khalad sameysey markaad go'aan qaldan qaadato, baro goorta aad raali gelin bixineyso, ama aad hagaajiso wixii aad qaladey, waad ogtahay wixii aad qaladey, aniguna waan ogahay inaad ogtahay waxa aad qaladey, taasi waxa ay ka dhigan tahay kulligeen waan ognahay. Ma jirto meel aad ubaxsatid.

Markaad bilowdo dhageysiga codka gudahaaga ka yeeraya, ama aad fahamto dareenkaaga,

Waxaad u arki doontaa mid macno leh, soo noqnoqoshadiisa waxa ay ka badnaan doontaa codka "parroodka" ee ku celcelinaya ereyada isku midka ah marka uu garabkaaga saaran yahay.

Hadii aad qalado isla arrinkii munaasabaddii hore kadib, furaha badbaadaadu waxa uu ahaa uun in aad dhagaysato waxa dareenkaagu ka sheegayo waxaad samaynayso, in uu saxan yahay iyo inkale, laakiin waa intaadan ficil sameyn. Is dhhageyso, taasi waa waxa kaliya ee aad u baahan tahay inaad sameyso intaadan qarka ka dhicin. Haddii aad raadineyso la-taliye aad ku kalsoon tahay, yaa noqon kara?

Waxay iila muuqataa in la-taliyehani adiga aad tahay, maxaa yeelay waxaad haysataa xaqiiqda qofka aad tahay, waaya aragnimada la-taliyaha iyo lala-taliyaha oo isla adiga ah, aqoonta aad isu leedahay qof kale oo ku leh ma jiro, dhab ahaantii majiro qof awooda inuu ogaado waxa aad isu sheegeyso/dareemeyso iyo sida dhabta ah ee ay xaaladaadu tahay. 

Waxay ila tahay hadda inaad fahamtey waxa aan ula jeedo "La-taliye u noqo naftaada".


Dhan

Halkaasi waxaa ku dhan xeerarkii sagaalka ahaa ee nolosha oo aan idin kaga soo akhriyey buugga XEERARKA NOLOSHA "THE RULES OF LIFE" ee uu qorey "Richard Templar", waxaan rajeynayaa in aad buugaas u dhug yeelataan kana faa'ideysataan.  


Nabad galyo dushiina ha ahaato.

W/A: Bashir Haji Salad -



This post first appeared on My Personal, please read the originial post: here

Share the post

sheekada buugga "THE RULES OF LIFE" XEERARKA NOLOSHA.

×

Subscribe to My Personal

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×