Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Kani waa Khaluusi Akaar, wasiirka difaaca qaranka ee Turkiga oo muddo ka hor, si dareen leh uga warramaya dhibaatada ay sannadkii 2016 u geysteen kooxdi wadday isku daygii fagembi ee dalkaas ka dhacay.


Wasiirka ayaa waqtigii isku dayga afgembiga (15 Julay 2016) ahaa taliyaha guud ee ciidamada qalabka siday oo markaas ahaa xil aad u awood badan, kooxda Afgembiga ayaa afduubtay kaddibna ka dalbaday in uu u saxeexo warqad uu ku ogolaanayo in milaterigu xukunka la wareego laakiin waa uu ka diiday. In kasta oo ay mar soo baxday in la dilay, haddana Maalintii labaad ayaa ay kooxdii haysatay iska sii deysay’

“8.30 fiidnimo Ayaa ay wasakhdaasi ii soo galeen (Xafiiska), markaasay madaxa baastoolad igaga qabteen iyaga oo igu hanjabaya in xabbad ay madaxayga dhex marinayaan, laakiin waan diiday (Wixii ay rabeen).

Bal marka aad barkintaada iska jiifto ka fikir, iyada oo adiga madaxa xabbad lagaaga hayo. Kuma ayaa ku dhici lahaa in uu "Maya" yidhaahdo.


Meel cidla ah bay keliday i geeyeen, iyada oo dhinac kasta dad hubaysani iga joogaan. Aniga oo keliday ah ayaan hor fadhiyey. Laba warqadood ayaa ay hortayda soo dhigeen. Markaasay yidhaahdeen akhri oo saxeex. Ma aan saxeexin. 

49 sanno ayaan shaqada (Milateriga) ku jiray .. 49 sanno... 49 sanno. …” ayaa ka mid ahaa hadalkiisan oo inta badan ee xildhibaannada golaha fadhiyey ay sacab la sara kaceen, si ay taageero ugu muujiyaan.

Hadalka taliyaha hore ee wasiirka noqday waxa uu marag u yahay qaabkii uu dhacdadan uga warramay buuggii ‘AFGEMBIGII DHICISOOBEY’ oo sheekada Khaluusi Akaar oo faahfaasani ay ku qorantahay.


Akaar waxa uu hadalkan cadhada leh ugu jawaabayey xildhibaan ka tirsan xisbiga CHP (Xisbigii Ataturk). Özgür Özel ayaa wasiirka oo golaha ka hor hadlayey waxa uu ku dhaliilay in aanu taageeirn saaxiibbadiisii milateriga ee xabsiyada loogu taxaabay sababo la xidhiidha iskudaygii afgembi ee ay qaybo milateriga ka mid ahi sameeyeen. Halka uu xabsiga ku booqday qoraaga Nuuri Pakdil oo jeediyey hadallo muran dhaliyey oo uu ku durayo Mustafe Kamaal Ataturk iyo Ciidamada Qalabka sida ee dalka.



This post first appeared on My Personal, please read the originial post: here

Share the post

Kani waa Khaluusi Akaar, wasiirka difaaca qaranka ee Turkiga oo muddo ka hor, si dareen leh uga warramaya dhibaatada ay sannadkii 2016 u geysteen kooxdi wadday isku daygii fagembi ee dalkaas ka dhacay.

×

Subscribe to My Personal

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×