Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Sirdoonka Yahuuda waxay noqdeen awooda iyo hubka lagu gumaado dunida carbeed,


Iran waxaa ay lumisay ama ay daycday xubno muhiim u ahaa Iran iyo guud ahaanba dunida carbeed,

Iran miyaa dayacday Saynis yahanada mise Yahuuda ayaa awood ku dhex leh gudaha Iran?.

Meel fog aniga oo kula aadin aan kaaga soo qabto 10kii sano ee u dambaysay,

Waa subax hore 12 January 2010 Professor masoud alimohammadi waxaa uu ka soo kacay hurdada Wuxuu isu diyaariyay shaqada, wuxuu ahaa Aqoon yahan dalkiisa ka caawiya samaynta Nukliyeerka ,

Wuxuu isu diyaarinayaa xiisad uu xili hore ku leeyahay jaamacada Tehran ( University of Tehran )

Balse nasiib daro markii uu banaanka guriga u soo baxay ayaa lagu dilay isla goobt,

Sirdoonka Yahuuda ayaana fuliyay dilka saynis yahankaaan.


Ma xasuusataa Mostafa Ahmadi Roshan ?

Wuxuu ahaa saynis yahan aduunka oo dhan uu indhaha ku haayay,

Xaqiiq marka laga hadlo Iran gabi ahaanba way dayacday saynis yahannadeeda,

Mostafa wuxuu rajo badan ka qabay in uu arki doono guusha dadaalkiisa oo ahayd Iran oo Biyaha badda ku tijaabisa Nukliyeerkeeda.


Balse ma aysan dhicin,

Taas badalkeeda maxaa dhacay ?

11 January 2012 maalin cad ayaa gudaha Tehran lagu dhex dilay Mostafa oo aan is lahayn waa lagu dayici doonnaa,

Sirdoonka Yahuuda Mossad oo maleegay qorshaha khaarijinta saynis yahanada.

Kama tagi karo saynis yahankii waynaa Majid Shahriari,

Waan ogahay xili hore ayay ahayd balse xasuusnow wuxuu ahaa dhayman aan la heli karin balse la dayacay,

Sirdoonka Iran waxaa qasab ahayd in ay 100% ilaaliyaan dahab kooda aqoonta leh.

Iran way soo saartaa aqoon yahan balse waxaa si fudud u disha Mossad.

Majid Shahriari wuxuu ahaa dahabkii ugu muhiimsanaa Iran ee soo maray balse ma aysan ilaashan. 29 November 2010 ayaa caasimada Tehran dhexdeeda lagu dilay.

Waan ogahay waxaad is leedahay muxuu Garruun Yare u sharixi la'yahay nooca dilka ee loo adeegsaday ?

Waxaan uga hadli doonnaa qaybaha dambe ee ila joog.

Israel waxay ahayd hubka kaliya ee lagu hor istaagi karay awood uu yeesho dal carbeed wayna dhacday,

Awood walba oo uu dal carbeed yeesho waxaa mar qura wiiqa Yahuuda oo shirqool u maleega xubnaha ugu muhiimsan ee markaas u baahan in la dilo.

27 kii November 2020 maalmo ka hor waxay Iran waysay Mohsen Fakhrizadeh ,

Sirdoonka Yahuuda waxay mudo 10 sano ka badan ay maleegayeen dilka Mohsen Fakhrizadeh .

Balse ma aysan dhicin in Iran ay bad baadiso Aqoon yahankaan mudo badan aduunka uu isha ku hayay.

Dhawr jeer oo hore ayaa lagu daabacay wargays laga leeyahay Israel in Mohsen Fakhrizadeh uu yahay Saynis yahan Iran ka caawiya samaynta Nukliyeerka. 


Mohsen Fakhrizadeh wuxuu lahaa ciidan si gaar ah u ilaaliya balse uma uusan baahnayn ciidan hubaysan oo kaliya ee wuxuu u baahnaa sirdoon si gaar ah ula socda xaaladiisa si looga bad baadiyo dilka Yahuuda.

Mohsen Fakhrizadeh waa la dilay waxaana dilkiisa loo adegsaday nooc ku cusub dunida,

Wuxuu maraayay meel in yar u jirta Caasimada dalka Ee Tehran waxaana mar qura la maqlay dhawaqa rasaas,

Maadaama meesha ay ahayd meel cidlo ah waxaa gawaarida ka soo dagay Mohsen Fakhrizadeh iyo xaaskiisa iyo ilaaladii la socotay,

Kadibna dhawr xabadood ayaa mar qura haleelay Mohsen Fakhrizadeh nafta dhulka lama dhicin.

Rasaasta waxay ka soo dhacaysay gaari qafilan oo meel cidlo ah yaala,

Wax yar kadibna waaba uu qarxay gaarigii oo waaba uu gubtay.


Gaariga qofna kuma dhex jirin sido kale dilka waxaa laga fuliyay ramuud oo waxaa laga riday meel aan ahayn meesha uu gaariga yaalay. 


Maxay gaariga uga soo dageen ilaalada?

Haddii ay soo degeen Mohsen Fakhrizadeh wuxuu saarnaa gaari aysan xabadu karin maxay i dhihi waayeen ku dhex jir gaariga ?

Macquul ma tahay in ilaalada Mohsen Fakhrizadeh ay qayb ka ahaayeen shirqoolka.?


Yahuuda waa ay fuliyeen shirqoolkoodi,

Waxay isticmaalaan aragti cajiiba ah,

Waxay fuliyaan shirqool, waa lagu eedeeyaa way ka aamusaan mudo kadibna waxaa gabi ahaanba la xiraa kiiska.


Ma aha gudaha Iran oo kaliya ee waxay ugaarsadaan cida ay doonaan waxayna ku ugaarsadaan halka ay doonaan.

Magaalada Paris hotel ku dhex yaala ayay maalin nimo cad waxay ku dhex dileen saynis yahan ciraaqi ah waxayna lumiyeen cadaymihii oo waxay albaabka qolka ugu qoreen " Yaan la isoo galin "

Tani waxay ahayd astaan muujinaysa in saynis yahanka uu yahay mashquul uuna doonayn in loo soo galo.


W/Q: Garruun Yare. 




This post first appeared on My Personal, please read the originial post: here

Share the post

Sirdoonka Yahuuda waxay noqdeen awooda iyo hubka lagu gumaado dunida carbeed,

×

Subscribe to My Personal

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×