Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

LULA DA SILVA : BAALASHLIHII BARAASIIL BADBAADIYEY – ===========


~ Aniga oo madaxweyneyaashii hore kula dagaalamay in xukunka ay dheeraystaan. Maanta anigiina muddo xileedkayga sharciga ah ka badan joogi maayo"

***


Lula Da Silva, waa hoggaamiye halgamaa bulsho ah oo laba xilli madaxweyne ka noqday dalkiisa Baraasiil. Waa siyaasi aaminsan aragtida bidixda u janjeedha oo taageero caalamiya dunida oo dhan ku leh.


Qoys danyar ah Ayaa uu ka dhashay sannadkii 1945, saboolnimadii adkayd ee uu carruurnimadii soo maray ayaana la aaminsanyahay in ay samaysay aragtiyihiisa siyaasiga ah ee markan dambe uu ku socday.


In kasta oo uu Lula goor hore waxbarashada bilaabay, laakiin dhaqso ayuu toban jirkiisiiba uga dhacay, Kaddib Markii saboolnimadii adkayd iyo silici nololeed ee qoyskiisu u saamixi waayeen. 

dhallaannimo ayaa uu ku bilaabay shaqooyin muruqmaal adag ah oo uu illaa dhalinyaranimadii waday; Baalashle muddo dheer ka shaqaystay jidadka magaalada São Paulo, kaalin shidaal oo uu bamka hayey, geerash baabuurta lagu dayactiro oo uu bira garaac ka ahaa iyo khudrad uu jidadka la wareego ayaa ka mid ah shaqooyinka uu soo maray.


Aqooni waa sad ee, mar dambe oo uu is badh qabtay ayuu muddo saddex sanno ah baranayey Qodista macdanta, kaddib Waxa uu shaqo ka helay mid ka mid ah godadka macdanta laga qodo ee dalkiisa. Waxaa la odhan karaa waa shaqadii iyo waxbarashadii u furtay albaabka geeddiga dheer shaqooyinkiisii bulsho, waxaa ka mid ahaa kaalmihii hoggaamineed iyo hawlihii firfircoonaa ee uu ku lahaa iskaashatooiyinka muruqmaalka, iyo noloshiisa siyaasadeed ee dambe. Waxa uu ku biiray iskaashatadii muruqmaalka birta oo uu guddoomiye ku xigeen ka noqday 1967 kii, kaddibna uu guddoomiye ka noqday. Waxa ay ahayd iskaashato ballaadhan oo sannadkii 1978 kii xubnaha ka tirsan lagu qiyaasi jiray 100 kun oo xoogsade.


Dibadbaxyo badan oo siyaasi ah ama xuquuq rayid ah lagu raadinayo ayaa uu hoggaamiyey, xukuumaddii milateriga ahayd ee dalka ka talinayey ayaana marar badan xabsiga u taxaabtay. Arrintaas oo ugu dambayntii ku qancisay in uu siyaasadda ka badheedho, 1980 kii ayaa uu ka qaybgalay aasaasii xisbiga shaqaalaha ee hantiwadaagga. Xisbigaas oo dhinaca bidixda u janjeedhay ayaa calanka u qaaday halgan adag oo kelitaliska lagu diidanyahay.


Waxa uu ahaa siyaasi hadhi waa ahaa oo diiday in uu mar keliya ka tanaasulo himiladiisii ahaa in uu dalkiisa caynaanka u qabto. 1989 kii ayaa uu isu sharraxay madaxweyne waa se uu ku guuldarraystay, saddex doorasho oo xigayna wuu tartamay, laakiin oo cidi codkii uu u baahnaa ma’ay siinin. Ugu dambayntii 2002 dii ayaa uu ku guulaystay doorashadii madaxweynaha, xilkaas oo uu hayey illaa 2011 kii, kaddib markii uu labadii xilli ee madaxtinimadaba ku guulaystay.


HOGGAAMIYIHII DHAQAALAHA IYO CADAALADDA BULSHADA

=====


Lula Da Silva waa hoggaamiye garanaya sababta uu halganka adag ugu soo galay xilka umadda, taas oo aan ahayn in uu ka tanaado iyo in uu awoodda ka dhigto shaabuug uu dadkiisa ku addoonsho.


Waxa uu ku guulaystay horukac dhaqaale oo aan noociisa hore looga arag dalkaas, kaddib markii uu raacay qorshe isu dheellitiran oo isku xidhaya barnaamijyo lagu taageerayo qoysaska saboolka ah, isla markaana lagu horumarinayo warshadaynta iyo wax dhoofinta.

Waxa ay xukuumaddiisu ku guulaystay Barnaamijka la dagaalanka saboolnimada, waxa aanu awooday in 20 milyan oo muwaadiniin ah laga soo saaro nolosha Khadka ka hooseeya saboolnimada. 8 sanno oo uu xilka hayey ayaa uu dalka Baraasiil gaadhay in uu kaalinta siddeedaad ka noqday liiska dalalka dunida oo dhan ugu dhaqaalaha badan.

Dhinacaas oo keliya ma’aha ee waxa kale oo uu ku guulaystay, in uu casriyeyn yaab leh ku sameeyo ciidamada difaaca ee Baraasiil, muddadaa uu xilka hayeyna waxa uu ka dhigay ciidanka ugu weyn uguna casrisan qaaradad Koonfurta Ameerika oo dhan.


MABDA’U ISLAMA BEDDELO KURSIGA

========


Xawaaraha yaabka leh ee uu ku socday horumarka dhinac kasta ah ee Lula uu dalkiisa ka hirgeliyey, waxa uu sababay in la dhaadi waayo dhammaanshiyaha siddeeddii sanno ee uu dastuurku u ogolaa. Dad ogaa waxa la soo maray iyo halka xaal marayo, ayaa uu walaac ka galay mustaqbalka dalka, markii xilligii sharcigu ogolaa ka dhammaadya Lula Da Silva. 


Taageereyaashiisa oo aad u badnaa ayaa abaabulay dibadbaxyo iyo ololeyaal ay ku cadaadinayaan in uu dastuurka dalka beddelo oo afti loo qaado in uu mar saddexaad isa soo sharrixi karo, laakiin buuq badan iyo dadaal dag oo ay sameeyeen kaddib waxa uu jeediyey hadal uu arrintaas warkeeda meel ku tiirinayo, “Labaatan sanno ka hor waxa aan u halgamayey oo xabsiga aan u galay, sidii aan madaxweyneyaasha ugu diidi lahaa in ay xukunka iska joogaan muddo ka badan waqtiga sharciga ah. Sidee ay iga suurtageli kartaa, in maanta aan naftayda u ogolaado arrintaas” Tiisii ayaanu soocdsiiyey oo Lula Da Silva waxa uu ka degey xukunkii, kaddib markii uu dalka doorasho madaxtooyo ka qabtay.


Muddadii dheerayd ee uu halganka ku jiray, cidda ugu badan ee ay Lula coloobeen waxa ay ahaayeen ganacsatadii waaweynayd ee dhaqaalaha dalka hore u jiqi jiray iyo siyaasiyiintii ay beerteen. Waxa uu dagaalka ugu adag ka dhexeeyey dabaqadda ladan ee doonaysay in aan la xorayn muruqmaalka iyo beeraleyda, xuquuqdoodana la barin. Sidaas awgeed markii uu xukunka ka degey kooxihii ayaa helay.


TURAANTURRO AANU KUFIN KADDIB, HADDANA WAA KAAN LULA:

===============


Sannadkii 2017 kii ayaa maxkamad lagu dhaliilay in ay siyaasadaysantahay, waxa ay Lula ku xukuntay 9 sanno oo xabsi, kaddib markii ay sheegtay in ay ku heshay dembi ah lunsi xoole dadweyne iyo wax isdabamarin maaliyadeed. Muddo sannad iyo badh ka badan ayaa uu eeddan u xidhnaa, laakiin markii dambe maxkamadda racfaanka oo dacwaddiisa dib u qiimaysay ayaa ogaatay in aanu wax dembi ah gelin. Xabsiga ayaa ay ka sii deysay waxa aanay u fasaxday in uu shaqadii siyaasadda wadan karo. 


77 jirkan aan dalka aqoonin, si uu taageereyaashiisa u tuso in uu weli ku taaganyahay axdigii dib u saxa hoggaaminta dalkiisa, duniduna u aragto in sababta loo xidhayna ay tahay u quudhi waaga jacaylka dadkiisa, ayaa uu 18 bilood kaddib xabsigii waxa uu isu soo sharraxay doorashadii dalkiisa. Dastuurka ayaa u ogol in uu mar kale oo muddo u dhexeyso labadii jeer ee hore uu soo noqon karo. 

Lula Da Silva doorashadii October 2022 ee toddobaadkan lagu dhawaaqay, ayaa uu mar kale ku noqday madaxweynaha dalka Baraasiil.


Laba buug oo uu qoray Lula Da Silva midkii dambe oo soo baxay jeenaweri 2018 kii, waxa uu kaga warramayaa sababta xabsiga loogu taxaabay. Buuggaas oo lagu magacaabo ‘Truth Will Prevail: Why I Was Condemned’ ayaa xiise aad u badan kala kulmay akhristayaasha dunida oo dhan. Hadallada lagu xasuusto ee uu qoray marka uu xaalkiisa ka hadlayana waxaa ka mid ah, 


“Haddii la i xidhay, lama xidhin afkaartaydii. Ma xidhayaan riyooyinkaygii, haddii ay socod ii diidaan, lugihiina [Taageereyaasha) ayaan ku socon. Hadday hadalka ii diidaan, afkiina aan ku hadli. Haddii wadnahaygu garaaca joojiyana, wadnihiina ayaa uu ka dhex garaacmi”



This post first appeared on My Personal, please read the originial post: here

Share the post

LULA DA SILVA : BAALASHLIHII BARAASIIL BADBAADIYEY – ===========

×

Subscribe to My Personal

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×