Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

SAWIRRO: Puntland oo burburisay qaraxyo ka dhashay dagaalkii Boosaaso

 


Ciidamada Booliska Gobalka Bari Ayaa soo bandhigay walxaha qarxa, kuwaas oo laga soo arruuriyay gudaha magaalada Boosaaso ee caasimadda ganacsiga Puntland.

War kasoo baxay Taliska Booliska Gobalka Bari ayaa lagu sheegay in Booliska oo kaashanaya Hay’adda NPA ay walxahan qarxa kasoo saareen Magaalada Boosaaso Iyo nawaaxigeeda, saakana la burburiyay.

“Taliska Qayabta Booliiska Gobolka bari iyo Hay’adda NPA ayaa so Bandhigay Burburinta waxayabaha Qarxa kawa soo laga so ururiyey magaalada Boosaaso iyo Nawaaxigeda.”

Booliska gobalka Bari ayaa intaa ku daray in “Waxa si gaar ah Bolisku ugu mahad celiyey Hay’adda NPA iyo shacabka reer Bosaso oo Qayab ka aha xogta lagu ururiyey waxayabaha Qarxa.”

Walxaha qarxa oo isugu jira bumbooyin iyo hubka culus, ayaa la rumeysan yahay inay yihiin haraadiga dagaaladii ka dhacay bishii December, ee sanadkii 2021dii ka dhacay magaalada Boosaaso.

Dagaaladan ayaa u dhexeeyay Ciidanka Daraawiishta Puntland, oo garabsanaya Ciidanka PMPF iyo Ciidanka PSF, waxaana uu ka dhashay kaddib markii uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu xil ka qaadis ku sameeyay Agaasimaha Hay’adda Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, kaas oo diiday, balse uu ugu fasaxay shaqadiisa







This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

SAWIRRO: Puntland oo burburisay qaraxyo ka dhashay dagaalkii Boosaaso

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×