Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Akhriso Magacyada Lab iyo dhedigqaybo kamid ah ugaadha


1:sagaarada labkeeda waxaa layidhaahda "Atoor" dhedigeedana "Yac", in kuweeda yar-yar loo yaqaan "Biiq" , in sagaardu badanaa labo labo isuraacdo, in sagaaradu dhasho kaliishi.

2:cawsha labkeeda waxaa layidhaahdaa "Jaxeedh" dhedigeedana loo yaqaan "Masaal", in koox cawl oo wada Socota Loo Yaqaan "Goosin cawl ah" .

3:Garanuugta keeda lab waxaa layidhaahdaa "Liig" dhedigeedana loo yaqaan "Tingey", liiggu markuu yaryahay waxaa ladhahaa "Warrad",in koox garanuuga oo wada socota loo yaqaan "Dan" garnuuga, in garanuugta layidhi sida dumarka ayey caado leedahay .

3:labka Deerada waxaa ladhahaa "Deer" dhedigana loo yaqaan "Deero", in koox deerooyin ah oo wada socda loo yaqaan "Wadar" deero ah, in deeradu tahay tan ugu xeelada badan ugaadha.

4:Goodirka labkiisa waxaa loo yaqaan "Daaraad" ama "Labo- qolle",Dhediga goodirka waxaa loo yaqaan "Caarrey" ama "Adeeryo", in koox goodiro ah oo wada socota loo yaqaan "Urur" goodira, in goodirku ku noolyahay badanaa buuraha iyo dur durada.

5:Biciidka labkiisa waxaa loo yaqaan "Saryan" dhedigiisana "Biciid", In koox biciida oo meel.wada joogta loo yaqaan "Yahaab Qamaamaley", inuu yahay biciidku kan ugu fulaysan ugaadha uguna dhega nugul ,In biciidka yar-yar loo yaqaan "Sawaro",In biciidkuu sahamiyo uuna hayaamo,in biciidku uu wadaduu aroortii qaadu uu dib u raaco baqdin awgeed.

6:Igorayada labkeeda in ladhaho "Hal-dhaa" dhedigeedana " Goraya cawl", In dhasha gorayada loo yaqaan " Hal-garac" meesha ay dhigtana loo yaqaan "Goofka" , In marka koox dhallaana oo gorayo ah oo mar wada kacday loo yaqaan "Fil",In koox gorayo ah oo meel wada joogta loo yaqaan "Gawar" gorayo ah.





This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Akhriso Magacyada Lab iyo dhedigqaybo kamid ah ugaadha

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×