Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Shaqsiyada iyo Dabeecadaha Qofka Iyo Noocyada Dhiiga



Aragtida go’aaminta shakhsiyadda dadka Iyadoo Lagu Saleynayo nooca dhiigooda waxay Ka Soo jeedaa aragti reer Japan ah oo lagu magacaabo Ketsueki-Gata.

Aragtidani waxay doonaysaa inay go’aamiso sifooyinka shakhsi ahaaneed ee shakhsiyaadka iyadoo lagu saleynayo arrimo nafsiyeed oo ay ugu horreeyaan nooca dhiigga.

Aragtidani waxay soo baxday markii ugu horreysay bilawgii qarnigii labaatanaad,si gaar ah sannadkii 1929-kii , laakiin weli looma xaqiijin si cilmi Ku dhisan   

 Professor u dhashay Japan ee Lagu magacaabo Tokeji Furukawa ayaa ahaa qofkii ugu horreeyay ee aragtidan ku soo bandhiga warqad ciwaankeedu ahaa "Daraasad ku saabsan dabeecadda iyo noocyada dhiigga", halkaas oo uu ku xidhiidhiyay cilmi-baadhistan u dhaxaysa ashkhaasta iyo nooca dhiiggooda, wuxuuna cilmi-baadhistiisa ku saleeyay tiro-koobyo hordhac ah oo laga sameeyay muunado tiro yar oo dad ah 

Toddobaatanaadkii qarnigii hore, cilmi-baadhaha reer Japan ahaana saxafiga Masahiko Nomi ayaa sameeyay warbixin ciwaankeedu ahaa "Fahamka Xidhiidhka Nooca Dhiiga." Cilmi-baaristiisa waxaa ku jiray xog ku salaysan habab badan sida su'aalo-waraysiyo, sahanno, indho-indhayn, 

Dabeecadaha Shaksiyadeed ee noocyada dhiigagaga.

Dhiiga( O)

•Qof isku kalsoon

•Qof adag(Strong)

•Qof Kulul

•Qof Qableh(Proud)

•Qof umada dhex gali og(Social)

•Qof firfircoon( Energetic)

•Qof Dhanka wanaagsan wax ka eega(Positive)

•Qof dareenkiisa aan qarsann karin

•Qof khatarta qaata( Risk Taker)

Dhiiga(A)

•Qof dagan(Cool)

•Qof adeecid badan( Obedient)

•Qof xishood badan

•Qof akhlaaq leh(Polite)

•Qof daacad ah( Loyal)

•Qof nafhuris badan

•Qof daryeel badan

•Qof dhanka xun wax ka eega( Pessimistic)

•Qof ffeejigan

Dhiiga (B)

• Dad farxad badan

•Dad firfircoon( Active)

•Dad Naxariis badan( Kind)

• Dad aan nidaamsanayn( Unorganized)

• Dad buuq badan( Noisy)

•Dad ilowsho badan( Forgetful) 

•Dad naftooda kaliya daryeel(Egocentric) 

•Dad madadaalada jecel(Entertaining Lovers)

Dhiiga (AB)

•Dad Hal abuur leh( Creative)

•Dad diplomaasiyada kufiican( Diplomacy)

•Dad isbadal badan( Flexible)

•Dad aan la saadaalin karin( Unpredictable)

•Dad aan faraxsanayn badanaa, Saaxiibtinimadana kufiicnayn( Moody and brooding)

•Dad xirfado badan

Xog dheeraad ah :

Nooca dhiig ee caalamka ugu badan waa O+(38%), 

halka O- uu yahay 6% caalamka oo dhan.

 Dadka caalamka ku nool ee leh dhiig A+ waa 34% halka A- uu yahay 6%

Dadka leh dhiiga B+ waa 9%,

halka B- iyana tahay 2%. 

AB waxaa leh dad caalamka ka ah 4%, nooca dhiig ee ugu yar caalamka

waa AB- waxayna caalamka ka yihiin 1%,

 dadkan waa in ay aad utaxadaraan haday joogaan goob aan lahayn Bangi dhiig(Blood Bank).

F.G

Dabeecadaas aan kor kusoo sheegnay ee noocyada dhiiga khasab maahan in qofku isku arko hadii uu noocaas yahay dhiigiisu.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Shaqsiyada iyo Dabeecadaha Qofka Iyo Noocyada Dhiiga

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×