Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

(Sawirro) Maraakiibta dagaalka Mareykanka oo gaaray biyaha Taiwan & Shiinaha oo..



Sida lagu shaaciyay war ka soo baxay ciidamada badda Mareykanka Maraakiib kuwa dagaalka oo laga leeyahay dalkaas ayaa maraya marin biyoodka Taiwan.

Dowladda Shiinaha oo ka falcelisay booqashadii afhayeenka Congreska Mareykanka Nancy Pelosi ayaa dhowaan aagga hadda ay maraakiibta Mareykanka marayaan ka sameeyay dhoolatus militari oo ballaaran.

Washington ayaa sheegtay in labada markab ee gantaalaha laga hago oo lakala yiraahdo USS Antietam iyo USS Chancellorsville ee maray gacan biyoodka Taiwan ay uga gol leedahay adkeynta xorriyadda socodka biyaha caalamiga ah.

Wasaaradda difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay in maraakiibtu ay u shiraacdeen jihada koofureed, ciidamadeeduna ay isha ku hayaan, balse “xaaladu waa sideedii caadiga ahayd”.

Dowlada Shiinaha waxay u aragtaa falalkan kuwo sii kicinaya xaaladda waxayna ku adkaysanaysaa in jasiiradda Taiwan ay tahay qayb ka mid ah dhulka Shiinaha.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters Ciidanku Shiinaha ayaa sheegay inay la socdaan dhaqdhaqaaqa labada markab, iyagoo sheegay inay sameeynayaan feejignaan dheeri ah, ayna diyaar u yihiin inay ka jawaabaan daandaansi kasta.

Waa howlgalkii ugu horreeyay oo noocan ah oo dhaca tan iyo markii ay sii korortay xiisadda u dhaxeysa Taiwan iyo Shiinaha oo cirka isku sii shareertay markii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay horaantii bishan booqatay Taiwan.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

(Sawirro) Maraakiibta dagaalka Mareykanka oo gaaray biyaha Taiwan & Shiinaha oo..

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×