Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo goordhaw geeriyooday

 


Ilaah ha u naxariistee waxaa goordhaw magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku geeriyooday abwaankii weynaa Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa magaaladaasi.

Ehelada abwaanka ayaa xaqiijiyay geerida goordhaw ku timid, waxaana abwaanka la sheegay in muddooyinkii lasoo dhaafay uu ahaa dhul yaal ayna lasoo darseen xanuuno aan daawo loo helin.

Abwaan Hadraawi waxaa geeridiisa si weyn uga naxay bulshada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, waxaana baraha bulshada qabsaday tacsida iyo tiiraanyada geerida ku timid abwaan Hadraawi.

Madax kala duwan iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi , oo ahaa abwaan sumcad badan ku dhax lahaa fanka Soomaaliyeed sidoo kale curiyay heeso iyo gabayo waxtar leh.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo goordhaw geeriyooday

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×