Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu oo kulan la qaatay Maamulka iyo Guurtida Degmada Baargaal

 

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Mudane Muuse Saalax Guuleed oo ay Waheliyaan Isduwayaasha Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Caafimaadka ayaa kulan la qaatay Maamulka Degmada Guurtida Baargaal iyo Qaar kamid ah Haweenka Degmada Baargaal.

Ugu Horayn Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Mudane Muuse Saalax Guuleed ayaa warbixin ku aadan abaaraha ka jira iyo xogta Degmada ka dhagaystay Maamulka Degmada iyo guurtida dhaqanka ee Reer Baargaal.

Intaas Kadib Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu ayaa warbixin ka siiyay Shacabka safar Shaqo oo uu mudooyinkii ugu danbeeyay ugu maqnaa Caasimada Puntland ee Garowe waxa uu gudoomiyuhu sheegay in uu jiro biya dhaan lagaarsiinayo reer miyiga dhulka biyaha ka fog degan ee abaartu saamaysay sidoo kale raashin iyo agab kale oo quudin ahna si Deg-deg ah loola gaarayo dadka ay xooluhu ka dhamaadeen waxa uu gudoomiyuhu Ku dhawaaway in Gobolka Gardafuu ay ka jirto xaalad abaareed oo daran oo macluul isu badashay.

Duqa Degmada Baargaal Mudane Canae Caynab Muuse ayaa dhankiisa Warbixin Guud ka bixiyay Xaalada abaareed ee Degmada Baargaal Gudoomiyaha ayaana sheegay in dhamaan laga hayaamay Dhulki reer miyigu daganaayeen Biyo La'aan iyo baad la'aanba.

Sidoo kale Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Gardafuu Mudane Dr Jibril Siciid ayaa warbixin guud ka bixiyay xaalada Caafimaad ee Gobolka waxa uu sheegay Isuduwuhu inay abaartu saamaysay Deegaanka si guud isla markaasna ay Ka dilaaceen xanuuno ay kamid yihiin jadeeco iyo nafaqo daro waxa uu sheegay Isuduwuhu in Wasaaradda Caafimaadka iyo hayadaha Caafimaadka taageera ee Gobolka Gardafuu ka shaqeeya ay kordhiyeen dawada iyo gargaarka Caafimaad ee Deg-dega ah isla markaasna ay jiraan tiimam wareegaya dhulka miyiga ah si ay ula tacaalaan nafaqa darada iyo cudurada ka dhashay Abaarta.

Ugu Danbayn Isuduwaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Gobolka Gardafuu oo Warbaahinta la hadlay ayaa si guud uga warbixiyay xaalada abaareed ee Gobolka waxana uu Sidoo kale faafaahin ka bixiyay Waxyaabaha looga hadlay kulanki maantay ka qabsoomay Magaalada Baargaal.











This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu oo kulan la qaatay Maamulka iyo Guurtida Degmada Baargaal

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×