Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Elon Musk oo sheegay inuu iibsanaayo kooxda Manchester United

 


Elon Musk, oo ah qofka ugu taajirsan adduunka, ayaa Talaadadii bartiisa Twitter-ka kusoo qoray inuu iibsanayo kooxda kubadda cagta Manchester United, isagoo aan bixin tafaasiil ah oo la xiriirta beeca kooxdan.

“Waxaan iibsanaaa Manchester United, soo dhawoow,” Ayuu Musk ku yiri Twitter-ka. Manchester United waxaa maamula qoyska Glazer ee Maraykanka, iyada oo qoyskan iyo Musk midkoodna isla markiiba ka jawaabin codsi ay hadalkan kaga bixinayaan faah-faahin dheeraad ah.

Musk waxa uu leeyahay taariikh maaweelo ah uu soo dhigo Twitter-kiisa, mana cadda haddii uu qorsheyno inuu sii wado heshiis uu ku xaqiijinayo inuu ku iibsado kooxda Manchester United

Wargeyska The Daily Mirror ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa sannadkii hore qoray in qoyska Glazer ay diyaar u yihiin inay iibiyaan naadiga, haddii loo soo bandhigo in ka badan 4 bilyan oo gini oo u dhiganta $4.84 bilyan dollar

Musk ayaa hadda isku dayaya in uu ka baxo heshiis 44 bilyan oo doollar ah oo uu ku iibsanayo shirkadda baraha bulshada ee Twitter, taas oo hadda maxkamad la tiigsatay.

Manchester United waa mid ka mid ah naadiyada kubbadda cagta ee ugu taageerada badan adduunka, waxayna ay 20 jeer ku guulaysteen horyaalka England, iyada oo saddex jeer ku guulaysteen koobka kooxaha qaramada yurub oo ah tartanka ugu qiimaha badan ee naadiyada adduunka.

Taageereyaasha Manchester United ayaa sanadihii ugu dambeeyay ka mudaaharaadayay qoyska Glazers oo kooxda ku iibsatay lacag dhan 790 milyan oo gini oo u dhiganta 955.51 milyan oo gini sanadkii 2005, iyada oo kooxdu ay ku dhameysatay kaalinta lixaad ee Premier League xilli ciyaareedkii hore, halka kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester City ay ku guuleysatay horyaal labaad oo xiriir ah.

Majaladda Forbes ayaa hantida Musk ku qiyaasay $270 bilyan, iyado oo taageereyasha Manchester United ay ku qal-qaalinayeen in intii uu iibsan lahaa Twitter uu iibsado Manchester United.


Reuters/VOA



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Elon Musk oo sheegay inuu iibsanaayo kooxda Manchester United

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×