Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Natiijada Imtixaanka Dugsiga Sare oo la shaaciyay

 


Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay natiijada imtixaan dugsiga sare ee ay qaadday dowladda.


Sanadkaan ayaa waxaa Imtixaanka u fadhiistay ku dhawaad 35-kun ee arday ah, kuwaas oo imtixaanka ku galay gobalada dalka oo dhan.


Imtixaanka oo ka dhacay dhammaan maamul gobaleedyada dalka ayaa waxaa ayaa la shaaciyay natiijada imtixaanka ardayda sanadkaan.

34,469 arday ayaa la diiwaan geliyay imtixaanka, waxaana imtixaanka galay oo u fadhiisatay 33,468 arday, oo ah dhammaan maamulada dalka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in imtixaanka sanadkaan ay ku baaseen oo ay gudbeen 32,325 arday oo u dhiganta 97%, halka ay hareen 1,143 arday oo gashay.

Ardayda imtixaanka ku dhacday ayaa waxaa 1,100 kamid ah waxa ay imtixaanka ku galeen magaalada Muqdisho halka, 43 arday ay ku kala galeen maamulada Galmudug, Koonfur-galbeed, jubbaland iyo Hirshabeelle.

Dheddig: 13382 arday oo gabdha ah ayaa sanadkaan imtixaanka u fariistay, kuwaas oo ay ka baaseen 12,837 arday, waxaana imtixaanka ku haray 545 arday oo gabdhaha.

Lab: 20,086 arday oo wiilal ah ayaa sanadkaan imtixaanka u fariistay, kuwaas oo ay ka baaseen 19,488 arday, waxaana imtixaanka ku haray 598 arday oo wiilal ah.

Gobalka Banaadir:  Waxaa sanadkaan imtixaanka u fariisatay 23,702 arday, waxaana imtixaanka ku baasay 22,602 arday oo u dhiganta 95.4%, halka ay ka hareen imtixaanka 1,100 arday.

Galmudug: Waxaa deeganada maamulka Galmudug imtixaanka sanadkaan u fadhiistay 2,333 arday, waxaana ka gudbay imtixaanka 2,326 arday taas oo u dhiganta 99.7%, halka imtixaanka ay ku hareen 7 arday.

Hirshabeelle: Deegaannada maamulka Hirshabeelle waxaa imtixaanka sanadkaan u fadhiistay 2,081 arday, waxaana ka gudbay imtixaanka 2,075  arday taas oo u dhiganta 99.7%, halka imtixaanka ay ku hareen 6 arday.

Koonfur-galbeed: Deegaannada maamulka Koonfur-galbeed waxaa imtixaanka sanadkaan u fadhiistay 4,018 arday, waxaana ka gudbay imtixaanka 3,994 arday taas oo u dhiganta 99.4%, halka imtixaanka ay ku hareen 24 arday.


Jubbaland: Deegaannada maamulka Jubbaland waxaa imtixaanka sanadkaan u fadhiistay 1,334  arday, waxaana ka gudbay imtixaanka 1,328 arday taas oo u dhiganta 99.6%, halka imtixaanka ay ku hareen 6 arday.

Sikastaba 10-ka arday ee ugu sareyso imtixaanka dowladda ayaa waxaa 6 kamid ah ay yihiin kuwa imtixaanka  ku galay gobalka Banaadir, halka afarta kale ay ku galeen maamulada Galmudug, Jubballand iyo Hirshabeelle



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Natiijada Imtixaanka Dugsiga Sare oo la shaaciyay

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×