Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Naxdin: Dhaqtar Soomaali ah oo lagu gowracay dalka Pakistan

 Dr. Abdul Rehman, oo ka yimid Soomaaliya islamarkaana wax ka baranayey qeybta qalliinka ee Jaamacadda, ayaa Arbacadii waxaa isaga oo la gowracay meydkiisa laga helay musqul ku taalla hoolka Jamal Bhutta oo ah halka ay degan yihiin dhaqaatiirta ee Isbitaalka Nishtar Hospital.

Dr. Abdul Rehman Ayaa deganaa qolka No.17 isaga iyo dhaqtar kale oo ka yimid Soomaaliya oo lagu magacaabo Dr. Abdul Azizi, wuxuuna isku diyaarinayey qeybta koowaad ee qalliin tijaabo ah oo uu sameyn lahaa.

Waxaa sidoo kale qolka la deganaa dhaqtar Pakistani ah oo lagu magacaabo Dr Ghulam Muhammad iyo kaaliyihiisa Muhammad Ijaz.

Booliska ayaa xiray Dr Abdul Aziz iyo Muhammad Ijaz markii ay baaritaanka billaabeen.

Madaxa booliska magaalada Multan, Khurrum Shehzad Haider ayaa wargeyska Dawn u sheegay Inay Hadda ballaariyeen baaxadda baaritaanka, waxayna su’aalo weydiinayaan dhaqaatiir dhowr ah oo ka shaqeysa isbitalka.

Khurrum ayaa sheegay in tuhunsanaha ugu weyn uu yahay Dr. Abdul Aziz oo Soomaali ah, sababtuna ay tahay in markii su’aalaha la weydiiyey uu sheegay hadallo isburinaya.

Waxa uu intaas ku daray inay hadda sugayaan natiijada baaritan lagu sameeyey meydka, si ay u ogaadaan xilliga iyo sababta rasmiga ah ee dhimashada.

Dilka dhaqtarka ayaa cabsi xooggan iyo argagax ka abuuray Nishtar Hospital, ayada oo la isweydiinayo sababta loo beegsaday iyo habka naxariis darrada ah ee loo dilay.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Naxdin: Dhaqtar Soomaali ah oo lagu gowracay dalka Pakistan

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×