Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Awaamiir laga soo saarey nabad-gelyadda magaalada Boosaaso July

 


Kullan ay isku yimaadeen maamulka gabolka Bari oo u shir guddoominayay gudoomiyaha gabolka Abdirsaaq Saciid ali (Shaahdoon) oo muddo labbo maalmood ah socanayay ayaa laga soo saaray qoddobo muhiim ah.

Qodobadaas ayaa taabanaya amniga guud ahaan gabolka iyo degmada waxaana ay diiradda saarayaa sidii loo xaqiijin lahaa amaanka iyo nabad-gelyadda xarunta gobolka Bari.

Amaradda kulankan laga soo saaray waxaa kamid ahaa in ciidamadda amaanka ay ilaaliyaan mas’uuliyadda oo aysan abuurin isku-dhacyo ciidamada dhexdooda ah.

Dhawaqan ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan magaaladda Boosaaso ay ka dhacday shaqaaqo ay ku dhinteen dad rayid oo dhexmartay ciidama PSF iyo PMPF ee booliska badda Puntland.

Tacshiiradaas ayaa waxay ka dhallatay safarkii aysan dowladda Puntland ka war hayn ee guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin Samatar, ay ku tagtey Boosaaso.

Awaamiita kale ee laga soo saaray kulanka Boosaaso waxaa kamid ahaa xakamaynta hubka sharci-darada, la dagaalanka khamriga iyo la dagaalanka kooxaha argagixisadda ah.

Maamulka gabolka Bari ayaa balanqaaday in ay gacan-bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo khalkhal galisa amniga waxayna intaas ku dareen in laga feejigan yahay dhagarta argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish oo si dhuumaaleysi ah ku shaqeysta.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Awaamiir laga soo saarey nabad-gelyadda magaalada Boosaaso July

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×