Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Robert Lewandowski Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Barcelona

 


Xiddiga cusub ee koxda Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa fariin u diray taageerayaasha Kooxda Barcelona Isaga oo u sheegay in uu goolal badan u dhalin doono kooxda Isla Markaas Taariikh u sameeyo kooxda Barcelona.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa si weyn u doonayay ku biirista kooxda Barcelona isaga oo warqada bixitaanka u gudbiyay kooxda Bayern Munich.

Barcelona ayaa heshiis 4 sano ah ka saxiixatay xiddiga reer Poland iyada oo ku xidhay heshiiska 500 milyan oo lagu bur-burin karo.

Robert Lewandowski oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan ku faraxsanahay in aan ku soo biiro Barcelona, waxa ay riyo ii ahayd in aan u ciyaaro kooxda Barcelona”.

“Kooxda Barcelona waxa ay haysataa koox cajiib ah waxana aan doonayaa in aan ka qayb noqdo Kooxda Isla Markaas taariikh u sameeyo koobabna kula guulaysano”.

“Waxa aan doonayaa in aan goolal badan u dhaliyo Barcelona isla markaas kooxda ku hogaamiyo guulo muhiim ah”



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Robert Lewandowski Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Barcelona

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×