Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Isbadal ku Yimid Wabiga Shabelle Ee Mara Baladweyne iyo Sun Looga Shakiyay.

 


Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in isbadal ku yimid Biyaha Wabiga Shabelle ee dhax mara magaalada Baladweyne, waxaana jira walaac xoogan oo laga muujiyay isbadalka ku yimid biyahaasi.

Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in uu isbadalay midabka biyaha iyo urtooda, waxa ayna dadka sheegeen in midabka biyaha uu noqday mid madow sidoo kale laga dareemayo qurmuun.

Maamulka degmada Baladweyne ayaana ka digay isticmaalka Biyaha Wabiga ee looga shakisan yahay in ay sumeesan yihiin, waxaana shacabka magaalada looga digay isticmaalka biyaha wabiga.

Guddoomiyaha degmada Baledweyne Cismaan Dhicisoow Dhuuboow ayaa digniin u diray maamulayaasha Ceelasha biyaha siiya magaalada iyo shacabka isticmaala biyaha wabiga, wuxuuna faray maamulayaasha Ceelasha biyaha iney tubooyinka kala baxaan wabiga oo haatan wata biyaha sumeysan shacabkana aysan cabin biyaha.

“Waligey manan arkin wabiga oo biyo wada biyo noocaan oo kale ah, wan arki jiray isagoo wada biyo calaw ah, isagoo eber ah iyo isagoo buuxa oo biyo baxa ah, balse wali manan arkin biyo noocaan oo kale ah oo madow ah hadana uraya, urtooda ayaan hada ag taagnaan la’ahay, waana biyo sumeysan dowladda Itobiya ayaa horay ugu sheegtay dadkeeda marka inta ay ka gudbayaan yaanan la isticmaalin waa digniin, waana ognahay in dadka Baledweyne boqolkiiba 89 isticmalaan biyaha wabiga” ayuu yiri guddoomiye Cismaan Dhicisoow Dhuuboow.

Magaalada Baladweyne iyo deegaanada hoostaga ayaa inta badan laga isticmaalaa biyaha wabiga Shabelle , lamana oga ilaa hada waxa sababay isbadalkan ku yimid biyaha wabiga Shabelle ee dhax mara magaalada Baledweyne.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Isbadal ku Yimid Wabiga Shabelle Ee Mara Baladweyne iyo Sun Looga Shakiyay.

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×