Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Kalfadhigii 17-aad ee golaha Deegaanka degmada Caluula oo la soo gaba gabeeyay

 


Waxaa shalay la soo gabagabeeyay kalfadhigii 17-aad ee golaha deegaanka degamada Caluula ee Xarunta Gobolka Gardafuu, kaasi oo bilowday? (12) july, 2022 waxaana looga hadlay? Qodobo ay kamid yihiin? isla xisaabtan golaha dhexdiisa ah , ilaalinta iyo dhawrida Deegaanka , iyadoo go'aano laga soo saaray jarista dhirta qoyan ,ugaadha , iyadoo la raacayo xeerarkii ay soo saartay wasaarada Deegaanka iyo Duurjoogta Puntland , jariifka khooriyada iyo xeebaha Degmada,xoojinta amniga iyo nabadgalyada,dhiirigalinta dakhliga iyo caanshuuraha iyo xaalada abaaraha Degmada iyo gobolka ,dib u tayaynta guddiga horumarinta Degmada iyo miisaaniyada degamda .

Kalfadhigani oo ahaa mid ay badi xildhibaanada golaha deegaanka degamda ay soo xaadireen yaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Caluula ahna duqa degamda Caluula c/laahi ciise Saalax, waxaana uu sheegay in xilibaanada goluhu si wanaagsan uga munaaqashoodeen qodobada laga hadlayey, taasina uu sheegay in ay keentay in laysku raaco qodobbada kasoo baxay kalfadhigaasi.

Sidoo kale waxaa isna xiritaankii? kalfadhiga ka hadlay isuduwaha wasaarada arimaha gudaha dawladaha hoose iyo Hormarinta reer miyiga siciid Cawil Dhuxul oo si aad ah ugu mahad celiyay masuuliyiinta degmada iyo xildhibaanada golaha deegaanka sida quruxda badan ay ugu heelan yihiin hormarinta deegaanka, isagoona sheegay in ay wasaaradu ka taageeri doonto waxyaabaha ay uga baahdaan isagoo ku dhiirigaliyayna horumarka iftiimay iyo iskuxirnaanta maamulka iyo bulshada degamda Caluula kuna baaqay in maamulka Caluula ay halkaasi kasii wadaan waxqabadka ay muujiyeen.

xildhibaanada golaha deegaanka degmada caluula ayaa ku ballamay inay socdaal ku tagaan khooriga Magaalada Caluul, sida uu sheegay Gudoomiyaha degamda Caluula 

Kalfadhiga 17aad ee Golaha Deegaanka Degmada Caluula oo maalmihii ugu danbeeyay ka socday Caasimada Gobolka Gardafuu ee Caluula ayaa maantay soo gabgaboobay.

Gudoomiyaha Degmada Caluula Mudane Cabdullahi Ciise Saalax ayaa warbaahinta la wadaagay qodobadi kasoo baxay kalfadhiga waxana kalfadhiga soo xiray Isuduwaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Fadraalka iyo Dimuqraadiyaynta Dawlada Puntland ee Gobolka Gardafuu Mudane Said Awil Dhuxul  oo isagu goob joog ahaa mudadi uu kalfadhigu socday.

Kalfadhigan ayaa ku Soo aaday xili ay goantahay wadadii lafa goray ee halbowlaha u ahayd Gobolka Gardafuu oo isku xiraysay tuulooyinka iyo magaalooyinka Gobolka , iyadoo maciishadaa aad u kacday

Halkan ka Daawo Hadaljeedintii Gudoomiyaha Degmada Caluula iyo isuduwaha wasaarada Arimaha gudaha xiritaankii kalfadhiga 




This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Kalfadhigii 17-aad ee golaha Deegaanka degmada Caluula oo la soo gaba gabeeyay

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×