Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Mo Faarax Hooyadii Oo Ka Hadashay Dareenkeeda 10 Sano Kadib Oo Ay Is Heleen Wiilkeeda


Hooyada dhashay orodyahanka Mo Faarax ayaa sheegtay inay muddo ka dib ogaatay in wiilkeeda uu ku noolaa Ingiriiska oo uu tahriib ku tagay.

 

Waxay sheegtay inay u hilowday Wiilkeeda maadama aysan xilliggaas waxbo kala socon xaaladdiisa.

 

Sir Mo Faarax Ayaa ka sheekeeyay xilliggii uu wacay hooyadii ka dib sannado badan oo ay kala maqnaayeen.

 

 "Labo is dhashay ma kala hadho xabbaal mooyaane, kolba halka ay joogaan un bey iska warqaadaan, waan ogaaday in uu ku nool yahay dalka Ingiriiska” Ayay Tiri Hooyo Caasho oo u warrameysay BBC-da.

 

Hooyo Caasho waxay sidoo kale sheegtay in muddo toban sano ay ku raad joogtay xaaladda uu ku nool yahay wiilkeeda balse markii lagala soo hadal siiyay teleefoon ay si weyn ugu faraxday.

 

Waxay intaa ku dartay in farxad darteed ay ku sigatay inay jebiso teleefoonka si ay malaha uga dhex aragto wiilkeeda Mo Faarax.

 

"Muddo toban sano ah ama ka badan wax war ah kama heyn, markii aan maqlay, teleefoonkii aan hayay in aan jebiyo ayaa doonayay oo aan dhaxgalo ayaa doonayay farxad darteed”

 

"Farxaddii ayaan ku iloobay kolkii aan helay uu ila hadlay uuna iska iloobay oo aan fududaayay” ayay tiri hooyo Caasha.

 

BBC



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Mo Faarax Hooyadii Oo Ka Hadashay Dareenkeeda 10 Sano Kadib Oo Ay Is Heleen Wiilkeeda

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×