Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

XOG: Dib u dhac ku yimid dhismaha Xukuumadda RW Hamza. Sabab?



Sida qorshuhu ahaa RW Xamza Barre Ayaa la filayay in uu goor-dhow ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada XFS, balse xog aynu dib ka helnay ayaa tilmaamaysa in Ra'isul Wasaaruhu dib u dhigay dhismaha xukuumadiisa, kadib dalab uga yimid saaxiibada talada la gorfeeya, Gudoomiye Aadan Madoobe iyo Xafiiska Madaxweynaha Qaranka.

Wararka ugu badan ayaa sheegaya in Aadan Madoobe oo dalka ka maqan, iyo safar uu Abdirahman Abdishakur Warsame ku tagi doono Puntland iyo safarka Nairobi ee madaxwehne HSM darteed dib loogu dhigay dhismaha Xukuumadda

Ra'isul Wasaaraha ayaa latashiyo kale samayn doono waxa ayna u badantahay in ilaa 10 maalmood kadib lasoo dhisi doono Xukuumadda cusub.

Dib u dhacan ayaa lagu macneeyay in Dowladda HSM weli raajicinayso xaalada Saciid Deni, iyo Aadan Madoobe oo la sheegay in durba madmadoow soo kala dhex galay xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo xafiisyada Madaxweynaha iyo R. wasaaraha.

Ugu danbeyn 24-ka July ilaa 29-ka July ayaa la filayaa in lasoo dhiso Xukuumadda cusub.




This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

XOG: Dib u dhac ku yimid dhismaha Xukuumadda RW Hamza. Sabab?

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×