Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Kaldadhigi 17aad ee Golaha Deegaanka Degmada Caluula oo maantay furmay .

 

Magaalada Caluula ee xarunta Gobolka Gardafuu waxaa maantay ka furmay Kalfadhiga 17aad ee golaha deegaanka Degmada Caluula kaas oo ay ka qaybgaleen  masuuliyiin ka socotay Gobolka Gardafuu oo uu horkacayo Isuduwaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Gobolka Gardafuu mudane siciid cawil dhuxul  Masuuliyiinta Degmada o u horkacayo Gudoomiyaha Degmada Caluula iyo  Xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo Marti Sharaf kale.

Isuduwaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Gobolka Gardafuu Mudane siciid cawil Dhuxul oo isagu shirka furay ayaa  bogaadiyay In kalfadhigi 17aad ee golaha deegaanku uu maantay ufurmay si habsami leh waxana uu cadeeyay in kooromki buuxo  wixi maantay ka danbeeyana uu furanyahay kalfadhiga 17aad ee Golaha Deegaanka Degmada Caluula.

Gudoomiyaha Degmada Caluua Cabdulaahi Ciise Saalax  oo ugu Horayn goobta ka hadlay ayaa soo jeediyay ajandaha looga hadli doono kalfadhiga mudada uu socdo isagoona sidoo kale soo jeediyay xogta hurumarka Degmadu Ku talaabsatay caqabadaha jira iyo qorshayaash  cusub.

Waxgarad iyo masuuliyin badan Goobta Ka Hadlay ayaa dhankooda bogaadiyay Furtitaanka kalfadhiga golaha Deegaanka Degmada Caluula waxay ugu baaqeen xildhibaanada iyo gudoonkaba inay si hagar bax oo dan shakhsi ka wayn ugu shaqeeyaan Deegaanka ay udhaarteen iyagoona sheegay inti maamulku dhisnaa in wax badan laga qabtay Hurumarka Degmada.

Iskusoo duudoobo kalfadhiga 17aad ee Golaha Deegaanka Degmada Caluula ayaa socon doono mudo dhawr cisho iyadoona looga doodi doono Hanaanka xisaabaadka caqabadaha shaqooyinka iyo qorshayaasha fog ee Degmadu Hiigsanayso.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Kaldadhigi 17aad ee Golaha Deegaanka Degmada Caluula oo maantay furmay .

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×