Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Bangiga Aduunka Oo ku Taageeray Somaliya 100 Malyan Oo Doolar


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Kristina Svensson ayaa kala hadlay xoojinta wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Marwo Kristina Svensson Ayaa tilmaantay in Bangiga Adduunka uu dowladda Soomaaliya ku taageerayo 100 malyan oo doolar 12-ka bilood ee soo socda, si wax looga qabto qorsheyaasha hortebinta u leh dowladda, iyadoo ku ammaantay Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad u siineyso kor u qaadidda adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka dhallinyarada, waxa uuna Bangiga Adduunka ugu baaqay in kala shaqeynayo Dowladda casriyeynta hannaanka shaqada iyo adeegyada dowladda Federaalka.




This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Bangiga Aduunka Oo ku Taageeray Somaliya 100 Malyan Oo Doolar

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×