Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Daawo: Muuqaalka Ay Man United Ku Macasalaamaysay Paul Pogba Merci, Paul Pogba ❤️



Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba isaga tagi doono kooxda kadib markii uu heshiiskiisa kooxdu dhamaaday

Pogba Ayaa ku soo laabtay Old Trafford xagaagii 2016 markaas oo ay man United baanka u jabisay saxiixiisa.


Laakiin Xiddiga Khadka Dhexe ayaa mar kale qaab xor ah uga tagi doona Kooxda Kadib Markii uu horay xor ugaga tagay sanadkii 2010 kuna biiray Juventus.

Pogba ayaa guulo badan la gaadhay Man United kulana guulaystay koobab uu ugu weyn yahay tartanka Europa League intii uu joogay kooxda.


Man United ayaa muuqaal yar oo 2 daqiiqo ah soo dhigtay barteeda YouTube-ka iyada oo ku macasalaamaysay xiddiga soona dhigtay goolal iyo caawin uu sameeyay xiddigu intii uu joogay kooxda.

Pogba ayaa la filayaa in uu ku laabto kooxdiisii hore ee Juventus inkasta oo uuna wali shaacin kooxda uu ku biiri doono suuqa xagaaga.

   


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Daawo: Muuqaalka Ay Man United Ku Macasalaamaysay Paul Pogba Merci, Paul Pogba ❤️

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×