Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Ruushka Oo la Wareegay Magalada Muhiimka ah Ee Lyman Ee Bariga Ukraine.(Sawiro)

 


Milatariga Ruushka ayaa sheegay inay qabsadeen magaalada Istaraatejiga ah ee Lyman oo ku taalla gobolka Donetsk ee bariga dalka Ukraine, magaaladan ayaa ah magaalo muhiim u ah dhinaca isku xidhka adeegga tareenada. Qabsashadan ayaa muhiimad gaar ah ugu fadhida dalka Ruushka.

Qabsashada Magaaladan waxaa iska kaashaday ciidamada milatariga Ruushka iyo maleeshiyada ka dagaalanka gobolka Donetsk ee DRP. Wasaaradda difaaca ee Ruushka Ayaa markii ay ka hadlaysay inay qabsadeen magaaladan, waxay ugu yeedheen magaca Ruushka ee magaaladan loogu yeedho oo ah Krasny Liman.

La wareegitaanka magaalada Lyman ayaa u gogol xaadheysa in Ruushku uu bilaabo wejiga xiga ee weerarkooda gobolka Donbas. Magaaladan ayaa waxay 40 kiiloomitir dhanka galbeed kaga beegan tahay Sievierodonetsk, oo ah magaalada ugu wayn gobolka Donbas halkaas oo ay weli gacanta ku hayaan ciidamada Ukraine.

Sievierodonetsk, oo haatan ah bartilmaameedka ugu weyn ee Moscow, ayaa hadda lagu hayaa weerar culus. Guddoomiyaha gobolka Luhansk, ayaa sheegay Jimcihii in ciidamada Ruushka ay galeen magaalada Sievierodonetsk.

“Haddii Ruushku uu ku guuleysto in uu la wareego aagaggaas, waxay u badan tahay in Kremlin-ka ay u arki doonto guulo siyaasadeed oo la taaban karo, iyaga oo heli doona guulo ay la wadaagaan shacabkooda, iyaga oo u qiil samaynaya duullaankooda” sidaas waxaa sheegtay wasaaradda difaaca ee Ingiriiska.






This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Ruushka Oo la Wareegay Magalada Muhiimka ah Ee Lyman Ee Bariga Ukraine.(Sawiro)

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×