Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Raysal wasaare Rooble oo lagu eedeeyay in uu sharciyad u raadinayo heshiiska shidaalka baarista ee horey loo diiday

 


Ra’iisal wasaaraha xilka ka sii degaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu eedeeyay inuu raadinayo qaab sharci ahaan lagu aqbali karo heshiis uu wasiirka batroolka Soomaaliya horaantii sanadkan la galay shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka.

Shirkaddan ayaa haddii loo ansixiyo heshiiska waxay xaq yeelan doontaa in afarta sano ee soo socota ay Soomaaliya ka sameyso Sahaminta Shidaalka iyo Gaaska, sida ay saddex ilo-wareed oo Soomaali ah u sheegeen wargeyska The Somalia Star.

Raysal wasaare Rooble waxa kaliya oo uu u baahan yahay ayaa ah inuu qoro warqad rasmi ah oo uu ku aqbalayo heshiiskii aadka loogu dhaliilay Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed.


“Ra’iisul Wasaare Rooble waa in uu si nadiif ah uga soo baxaa eedeymahan foosha xun, una sheego shacabka Soomaaliyeed sababta uu wadahadalo qarsoodi ah ula galay shirkad uu cid kasta oo uu isagu ka mid yahay uu heshiiska u diiday,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay The Star.

Xildhibaan Jeesow ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay kor u qaadaan qeyladooda ay ku muujinayaan diidmada heshiiska, jawaabna ka dalbadaan Rooble.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, ayaa madaxweyne Xasan Sheikh ugu baaqay inuu si deg deg ah raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa kaga mamnuuco inay heshiisyo cusub la galaan dalal iyo ururro shisheeye ama ay aqbalaan ama wax ka beddelaan heshiisyo ay horay u diidday dowladdii hore.

“Madaxweyne, kama aamusi kartid isku daygan uu Rooble ku doonayo inuu kaga faa’iidaysto xilliga kala guurka si uu laaluush badan uga helo shirkado iyo dalal shisheeye,” ayuu yiri Cali Geeddi oo la hadlay wargeyska The Star.




This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Raysal wasaare Rooble oo lagu eedeeyay in uu sharciyad u raadinayo heshiiska shidaalka baarista ee horey loo diiday

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×