Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Mucaaradka Axmed Madoobe oo ku dhawaaqay xildhibaano cusub

Guddiga doorashada oo ay dhowaan magacaabeen Musharraxiinta ka soo horjeeda madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhankooda soo saaray liiska xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labaad ee Jubbaland.



Musharraxiintan is bedal doonka ah oo ka horyimid liis uu xalay shaaciyey guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ee uu horay u magacaabay Axmed Madoobe Ayaa soo saaray liis kale oo xildhibaano ah.
Liiskan ayaa gaaraya illaa 75 mudane, halka midka lagu dhawaaqay xalay uu ahaa 73 xubnood.
Sidoo kale liiska Ayaa waxaa ka muuqda magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan xildhibaanada cusub.

Arrintan ayaa sii hurineysa khilaafka ka jira doorashada la filayo in bishan lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse sanadkan ayaa waxaa jahwareer xoogan uu ka jiraa doorashada Jubbaland.






This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Mucaaradka Axmed Madoobe oo ku dhawaaqay xildhibaano cusub

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×