Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

XOG: M/weynaha Puntland oo Isku shaandheyn cusub sameynaya.


Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lafilayaa in uu maalmaha nagu soo aadan sameeyo isku shaandheynku wajahan Agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha dawladda, wararka ayaana xaqiijinaya in todobaadyada nagu soo beegan la magacaabi dono xubnaha cusub.
Agaasimayaasha wasaaraddaha badankooda ayaa lagu sameynayaa Isbedelo, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo Madaxtooyada Puntland.
Wajiyo cusub ayaa lafilayaa in ay kasoo dhexmuuqdaan Agaasimayaasha, iyadoo ay wararka qaar sheegayaan in ay u badnaan doonto isku bedel guud oo lagu sameeyo xubnaha horey u joogay

Madaxweynaha Puntland, wuxuu balan qaaday in uu isbedel maamul ka hirgalin doono Puntland, markii uu xukunka qabtay dad badana ayaana rumeysan in aysan wali jirin wax qorshe ah oo laga sameeyey marka la eego sida ay wax ku socdaan.
Mr, Deni ayaa dhawaan ka sheegay munaasabadii lagu xusayey Sannad guuradii 21 aad ee Puntland in ay dadaal badan galin doonaan sidii loo tayeyn lahaa adeegyada guud ee Xukuumadiisu u hayso shacabka, xili ay waxyaabaha qaarkood wali taagan yihiin.
Meelaha Isha gaarka ah lagu hayo waxaa kamid ah sida u maareeyo saami qeybsiga Agaasimayaasha guud, iyadoo horey loo ceyriyey qaar kamid ah Agaasimayaasha wasaaraddaha iyo kuwa madax banaan qaarkood


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

XOG: M/weynaha Puntland oo Isku shaandheyn cusub sameynaya.

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×