Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

RASMI: Nicolas Pepe oo noqday xidiga qaarada Afrika ugu qaalisan !!


Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday dhamaystirka heshiiskii abid kooxdeeda ugu qaalisanaa kaas oo ay kula soo wareegtay gool dhaliyihii kooxda Lille ee Nicolas Pepe kaas oo heshiis waqti dheer ah ugu soo biiray Gunners.

Pepe ayaa maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa London isaga oo dhamaystiray heshiiska 80 ka milyan yuro ah ee uu Emirates Stadium taariikhda ugu sameeyay wuxuuna qalinka ku duugay qandaraas uu Gunners ku sii joogo doono ilaa 2024.

Arsenal ayaa lacagtii abid ugu badnayd ee ay ciyaartoy ku kharash garaysay waxay kula soo wareegtay Pepe kaas oo hadda noqday ciyaartoyga abid ugu qaalisan suuqa kala iibsiga Arsenal.

Markii uu taariikhdan galay waxa uu Nicolas Pepe ka hadlay dareenkiisa wuxuuna yidhi: “Inaan halkan imaado waxa ay ii tahay dareen aad u weyn sababtoo ah, aniga iimay sahlaneyn. Waxaan ku imid wado dheer iyo rafaad badan, waana abaalmarin weyn inaan u saxiixo koox sidaan u weyn”

“Qoyskeyga iyo wakiiladeyda ayaa iga caawiyay inaan halkaan imaado. Wax badan ayaan ka hadalnay. Waxay aheyd intii uu socday Koobka Qaramada Afrika iyo ka dib. Muhiim ayay ii aheyd inaan go’aan sax ah qaato, waxaana iga dhaadhacsaneyd in Arsenal ay tahay go’aanka saxda ah.”ayuu Pepe hadalkiisa sii raaciyay.

Nicolas Pepe ayaa haddaba doortay lamarka uu kooxdiisa cusub ee Arsenal ugu ciyaari doono xili ciyaareedka cusub iyada oo Gunners shaacisay maaliyada uu lamarkeeda xidhan doono.

Arsenal ayaa bogeeda rasmiga ah ku shaacisay in saxiixooda cusub uu xiran doono maaliyada No.19 waxaa la filayaa inuu ka garab ciyaari doono Pierre Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette. Weeraryahanka Faransiiska ayaa ka ciyaari doona weerarka dhexe halka Pepe iyo Aubameyang ay ka dheeli doonaan garbaha weerar.

Pepe ayaa hadda si rasmi ah u noqday ciyaartoy Arsenal ah wuxuuna axada ka qayb gali karaa kulanka ay Camp Nou kooxdiisa Arsenal ku booqan doonto Barcelona.


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

RASMI: Nicolas Pepe oo noqday xidiga qaarada Afrika ugu qaalisan !!

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×