Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Madaxweyne ku xigeennada Puntland iyo Galmudug oo ka hor yimid Go’aanadii Shirkii Kismaayo [Akhriso]


Laba ka mida madaxweyne ku xigeenada Maamul Goboleedyada dalka ayaa ka hor yimid go’aanadii ka soo baxay shirkii madaxda maamul Goboleedyada ee magaalada Kismaayo maanta ku soo dhammaaday.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Cumar Camey ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay madaxda maamul goboleedyada aanu ahayn mid sax ah. “Anigu kuma raacsani, la igala ma tashan, haddii la ila tashadana sidaas si ka duwan ayaan u dhigi lahaa.. go’aanada masiiriga ah ee noocaas oo kale ma aha mid ay shaqsiyaad qaadan karaan ee wuxuu u baahan hay’adaha sharciga ah sida Baarlamaanka” ayuu yiri C/xakiim Camey.
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay in waxa ka soo baxay shirka Kismaayo aysan u dhammeyn Galmudug, ayna ka horjeedaan in xiriirka loo jaro dowladda Federaalka, isagoo caddeeyay inay la shaqeynayaan dowlada Dhexe.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Xaaf inuu si khaldan ku wado heshiiskii Jabuuti, cidda ka horjeedoo ee ku raadinaya sed-bursiga ay tahay Xaaf iyo kooxda Ahlu suna, wuxuuna meesha ka saaray in dowladda Federaalka ay faragelin ku heyso maamulka Galmudug.


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Madaxweyne ku xigeennada Puntland iyo Galmudug oo ka hor yimid Go’aanadii Shirkii Kismaayo [Akhriso]

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×