Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

M/weynaha Somaliland oo fadhi deg deg ah iskugu yeeray Labada Golle ee baarlamaanka maamulkaas, kalana hadlaya Arrimaha xasaasiga ah



Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in uu hadda socdo fadhi deg deg ah oo ay leeyihiin xubnaha golaha baarlamaanka ee maamulka Somaliland, kaas oo ay uga hadlayaan xaaladaha cusub ee dhanka siyaasadda, gaar ahaana Heshiiska Berbera oo kiciyey DACAR siyaasadeed oo xoog badan.

Gudoomiyaha baarlamaanka Baashe Maxamed Faarax ayaa shir gudoominaya kulankan, waxaana wararku sheegayaan in uu dalabkiisa lahaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Ka hor qodobadan waxaa ka horeyn doona Warbixin guddiga soo saxiixay heshiiska DP WORLD ay ka horjeedin doonaan baarlamanka Somalilamd, waxaana kulankan uu noqonayaa mid xasaasi ah oo saxaafaddu dibad joog ka tahay.

Sidaas oo kale warar madax banaan ayaa sheegaya in kulankan si gaar ah loogu soo qaadi doono sidii awood mideysan ay dhinacyadan u sameysan lahaayeen, xili uu jirro kala shaki ku aadan siyaasiinta iyo beesha dhexe ee Somaliland.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

M/weynaha Somaliland oo fadhi deg deg ah iskugu yeeray Labada Golle ee baarlamaanka maamulkaas, kalana hadlaya Arrimaha xasaasiga ah

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×