Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Deg Deg: odayaal iyo waxgad ku guulaystay Markabkii lagu haystay xeebaha Degmada caluula in la siidaayo


Warar lagu kalsoonyahay oo naga soo gaarya magaalda xaabo oo ka tirsan degmada caluula ayaa sheegaya in maleeshiyadii hubaysnayd ee Markabka ku heeystay xeebaha Degmada caluula inay sii daayeen. 

 Kooxdaan oo maalmo ka hor qabsatay markabka lagu magacaabo Aris 13 ayaa la sheegay in caawa si rasmi ah ay usii daayeen markabkaasi,shuruud la’aan. 

 Waxaana iminka lagu soo warramayaa in markabka uu u soo shiraacday dhinaca dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. 

 sii daynta markabka ayaa la sheegay inay fududeeysay kadib markii kooxaha dablayda ah iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland uu wadahadal dhex maray,kooxaha maleeshiyada haysatay markabkana laguqanciyay markabka inuu u raranyahay ganacsato Somaliyeed balse uusan ahayn markab waday kalluumeysi sharci darro ah. 

 Ciidamada Puntland ayaa lagu soo warramayaa in iminka ay dusha ka saaranyihiin Markabka oo kusoo jeeda dhinaca dekedda Boosaaso,Saacadaha soo socdana uu halkaasi kusoo xiran doono. 

 BAARGAAL.NET
 Isha wararka horumarka calbari



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Deg Deg: odayaal iyo waxgad ku guulaystay Markabkii lagu haystay xeebaha Degmada caluula in la siidaayo

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×