Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

SAWIRO: Hay'ada ARC oo tartan Kubada Cagta ah ku qabatay Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu



Hay'adda ARC International Ayaa Soo Gabagabaysay Tartan Kubadda Cagta Ah Oo Maalmihii Lasoo Dhaafay ka socday Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu 

Tartankan ayaa kamid ahaa barnaamaj ay hay'ada ARC international  ka wado degmada Baargaal iyo Degmooyin Kale kaas oo loogu magacdaray " Tartanka kubada cagta iyo isdhexgalka Bulshada oo qayb ka ah mashruuca  kaluumaysiga dhalinyarada iyo Dumarka oo ay hayadu ka fulinayso degmooyinkaas

Munaasabad Lagu Soo Gunaanadayay Tartanka Oo Ay Ku Guulaysatay kooxda Alkaliiji Kaddib Gool-Ku-Laad Ay Kaga Adkaatay Kooxda BARFISCO ayaa lagu gudoonsiiyay  Koobkii Kooxdii ku guulaysatay tartanka iyadoo sidoo kale abaalmarino isugu jira lacago iyo bilado lagu gudoonsiyay kooxihii kale 

Hay'ada ARC international  ayaa inta aysan furin koobka waxay Maamulka iyo gudoonka sportska Degmada Baargaal ku wareejisay qalab ciyaareed oo afar kooxood ah oo dhamaystiran 

wakiilka Hay'ada ARC mudane Maxamed Shire oo ka hadlay munaasabdii wareejinta qalbka sports ka yaa sheegay inay marka hore ka mahadcelinayaan sida qurux badan ee  degmada baargaal loogu soo dhaweeyay asagoo sheegay in ka hay'ad ahaan ay inta tabartooda ah ay cawinayaan Dhalinyarada si ay uga jeestaan waxyaabihii kale ee khaldi lahaa ama balwad ha ahaadeen ama dhinac kale oo ay saaxiibtinimo iyo isdhexgal ay ka faaiidiaan barnaamijkan.

wakiilka hay'ada ARC international ayaa sidoo kale kahadlay barnaamijka ay wadaan qaybihiisa kale asagoo sheegay inay diyaariyeen dumarkii ay u tababari lahaayeen samaynta shabaagaha iyo sidoo kale farsamayaqaano lagu soo tababari doono Boosaaso si ay u sameeyaan saxiimadaha

Dhinaca kale gudoomiyaha dhalinyarada Degmada Baargaal Mudane Siciid Dhagiig  oo Ka Hadlay munaasibada  Ayaa Ka Sheekeeyay Faa’iidada Ciyaaruhu U Leeyihiin dhalinyarada , Waxaanu Amaanay Hay’adda ARC international  Oo Uu Sheegay Inay Bixisay Dhammaan Wixii Ku Baxay Tartanka asagoo u gubiyay baahida dhalinyarada degmada baargaal ay u qabaan inay helaan garoon ay ku ciyaaraan 

waxaa sidoo kale munaasibada ka hadlay Ku simaha Duqa Degmada Baargaal xildhibaan C/raxmaan Maxamuud saalax asagoo marka hore aad ugu mahadceliyay hay'ada ARC international oo wax muuqda u qabatay dhalinyarada degmada baargaal asagoo ballan qaaday ka maamul haan inay u hawl galaayaan diyaarinta dhulkii garoonka kana codsanaayaan Hay'ada ARC international inay kala qayb qaadato dhismaha garoonkaas asagoo sheegay in tartanka noocan oo kale ah uu dhiiri galin u yahay dhalinyarada uuna xoojinaayo isdhexgalka Bulshada 

BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari





















This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

SAWIRO: Hay'ada ARC oo tartan Kubada Cagta ah ku qabatay Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×