Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Eng. Camey Oo Ka Laabtay Dacwadii uu Ka Gudbiyay Madaxweynaha Puntland (Akhriso)


Madaxweyneku xigeenka Dowladda Puntland C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey, ayaa ka laabtaydacwad saaka loo ballansanaa oo uu ka gudbiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/weliMaxamed Cali Gaas.
Qoraal Kasoo Baxay Xafiiska Madaxweyne
Ku-xigeenka Dowladda Puntland Eng. Camey, ayaa lagu War-geliyay Qareenadiisa
iyo Maxkamadda Saree e Dowladda, inuu ka Laabtay Dacwadii uu Gudbiyay.
Eng. Camey ayaa la laabashada
Dacwadda ku Sheegay in isaga oo xeerinaya daruufaha jira uu go’aansaday in uu
ka laabto dacwadda loo ballansanaa maanta.
Dacwadan uu Ka Laabtay
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa la xiriirtay khilaaf ka dhashay
Guddiga Ansixinta Iyo xallinta khilaafka Baarlamaanka Cusub ee 2019-ka, Kaas uu
dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Gaas, Iyadoona uu Eng.
Cameey ku dooday in aan lagala Tashan.
Akhriso Waraaqda Dacwad la LaabashadaEe Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.





This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Eng. Camey Oo Ka Laabtay Dacwadii uu Ka Gudbiyay Madaxweynaha Puntland (Akhriso)

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×