Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Xoghayaha Guddoonka Golaha Shacabka Oo Sheegay Inuu Jabay Mooshinkii Laga Keenay Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)



Mooshinkii Hindisaha Xil ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya eeloo gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka 9kii bishan ayaa jabay keddib markiiay caddeymo qoraal ah soo gudbiyeen 14 xildhibaan oo ku saxiixnaa kuwaas oo kutilmaamay in lagaga been abuurtay.
Xoghayaha Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka MudaneCabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa saaka warqad uu u diray Guddoomiyaha iyolabadiisa Ku Xigeen ku xaqiijiyay in tirada rasmiga ah ee soo gudbisaymooshinka uu yahay 78 xildhibaan, sidaas darteedna uusan ahayn mid Golaha lahorgeyn karo.

Mudane Guddoomiye, aniga oo gudanaya waajibkayga ah masuulka maamul ahaan golaha ugu xilsaaran xaqiijinta dukumintiyada Golaha, tirada qoraallada saxiixyada, soojeedinta naloo soo gudbiyay oo dhammaa 92 (sagaashan iyo labo)haddii laga jaro 14 (afar iyo toban), waxaa kusoo haraya Hindisaha 78(toddobaatan iyo sided). Haddaba tirada xildhibaannada kusoo haraya Hindisahanee xaqiiqda ah ma buuxinayo tiradan uu qodobka 92aad, farqada 2aad ee DastuurkaKMG oo sharciyeedu ansax ku noqon karto saddex meelood meel.”

Bishii March ayay aheyd
mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari in markii hore la sheegay in
Mooshinka jabay, kana laabteen xildhibaanada, balse dhinaca kale ee Mooshinka
waday ku adkeysteen in aanu mooshinka jabin, uuna yahay mid sax ah, waxaana is
jiid jiid badan iyo qalalaaso uu galay Baarlamaanka uu sababay inuu is casilo
Guddoomiyihii hore Mr Jawaari.


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Xoghayaha Guddoonka Golaha Shacabka Oo Sheegay Inuu Jabay Mooshinkii Laga Keenay Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×