Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

BAARLAMAANKA PUNTLAND OO KALA TAGAYA BISHA SOO SOCOTA


Kulan Maanta Xubnaha Baarlamaanka Maamulka Puntland ay ku yeesheen Magaalada Garowe ayaa waxaa ay ka soo saareen qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay maalinta doorashada madaxtinimada,xilliga iyaga la kala dirayo iyo Shaqada Guddiga doorashada.
Waxaa ay kulan la yeesheen Xubnaha Guddiga qaban qaabada doorashada oo ay ka dhegeysteen hanaanka doorashada Madaxtinimada Puntland.
Guddiga doorashada ayaa soo bandhigay in sanadka 2019 doorashada Puntland aysan noqon karin qof iyo cod.
Baarlamaanka ayaa waxaa ay muddo kordhin u sameeyeen Guddiga doorashada,waxaana maalinta doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa laga dhigay 8 January 2019.
Sidoo kale Baarlamaanka ayaa u codeeyay in iyaga laftooda ay kala tagaan 31ka September sanadkan 2018ka.
Xildhibaannada soo socoda ee 66ka ah waxa asoo xulaya Odayaasha,waxaana ay xildhibaannada dooranayaan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa sidii ay u dhici jirtay doorashada Puntland.


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

BAARLAMAANKA PUNTLAND OO KALA TAGAYA BISHA SOO SOCOTA

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×