Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Rasmiyan Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo shaacinaysa imtixaankii Fasalka 8aad ee Dugsiyada dhexe maalinta ..was


Markii saxidiisa iyo farsamadiisa loo fadhiyey maalmo badan waxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland go'aansatay in si rasmiya loo shaacin doono imtixanadkii Dugsiyada dhexe ee fasalka 8aad maalinta isniinta ah ee bishu ku beegan tahay 13\08\2018.

dhammaan Gudoomiyaasha Waxbarashada Gobolda iyo Degmooyinka iyo maamulayaasha, Macalimiinta sharafta leh, ardayda iyo waalidka iyo bulshawaynta soomaaliyeed ee ku nool deegaaanda Puntland, waxaan la socodsiinaynaa in Malinta isniinta ah in la shaacinayo Natiijadii imtixaanka Dugsiyada dhexe ee Fasalka 8aad ee Sanad Dugsiyeed 2017- 2018. 

haddaba aradyga waxaa la rabaa mobilkiisa in uu kala socdo natiijda isagoo tagaya qaybtiisa massegka oo ku qoraya P299 shirkada Golis ka dibna Roll Numberkisa imtixaanka galinaya. Ardayda waxaa la ogaysiinya inay is dajiyaan kuna qancaan natijadooda qofka nolasaha kama dhicin marna waa uu ku laaban karaa sanad dugsyeedka kale haduu natiijada ku qanci waayo Ardaygu. 

Sida caadiga ah waxaa la qorsheeyaa Xafiiska Imtixaanaadka bisha Agoosto oo ah bilawga sannad dugsiyeedka Puntland iyadoo lala dhammaynayo dugsiyada. Haddaba bilaha uu ugu mashquulka badan yahay xafiisku ayaa ah Disember ilaa Julay ee sannad walba xilligaas oo ay dhacaan hawlaha ugu muhiimsan ee imtixaanaadku sida dejinta imtixaanka, dib u habaynta, diwaangelinta ardayda, aruurinta kharashaadka imtixaanka, daabacaadda imtixaan, qaadista iyo sixidda, ku dhawaaqidda natiijada, raadinta deeqaha waxbarashao iyo qaybinta ardayda. 

Sannadka 2018, wuxuu u ahaa sannad ay waaxda imtixaanaadku ku tallaabsatay horumar baaxad leh marka la qiimeeyo dhammaan hawlaha aan kor ku soo sheegnay oo u wada dhacay sidii loo qorsheeyay 

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare waxay aradayda Puntland u rajaynaysaa Guul iyo Mustaqbal wanagasan. 

Deeq Hure 
Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Rasmiyan Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo shaacinaysa imtixaankii Fasalka 8aad ee Dugsiyada dhexe maalinta ..was

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×