Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

DAAWO SAWIRRO: Dadaaladii ugu dambeeyey ee lagu badbaadinayo Hantida Doonida Caariday ee Boosaaso & Ganacsatada maskax wanaagsan la timid


Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso Ayaa sheegaya in ay Ganacsatada, Wasiiradda dawladda iyo Isimada dhaqanku kumashquulsan yihiin xalkii ugu dambeeyey ee Lagu Badbaadinayo Hantida saaran Doonta Al Xafiis oo caariday todobaadkan gudihiisa, taas oo sida hanti lagu qiyaasay 9 Malyan oo Dollar.

Ganacsatada ayaa ku howlan in ay buuxiyaan masaafo badan oo biyo ah, ayna ka dhigaan dhul caadi ah si doonidu ugu soo dhawaato halkaas ama ugu yaraan looga soo daabulo agabyada ay wado oo ay gaadiidku kugali karaan.

Gaadiidka waa weyn ee birta culus iyo Agabyada muhiimka u ah buuxinta dhulka biyuhu ku jiraan ayaa goobtan cusub jooga, waxayna Shacabku ay qaadanayaan doorkooda ku aadan badbaadinta Hantidan.

Ganacsatadu waxay sheegeen in uu yahay halka ugu dhaw ee lahelay in la dhiso deked yar oo macmil ah, taas oo ay hadda howsheeda bilaabin si deg deg ahna ay rajeynayaan in lagu gaaro Doonida halka ay ku caariday.

Wasiiro katirsan dawladda Puntland ayaa xalay soo jeediyey in xalka ugu dambeeya uu yahay in doonidan lasoo dhaweeyo ugu yaraan, dhulka biyaha lehna la buuxiyo oo kor loo soo qaado, taas oo sahlaysa in ay galaan wiishashka waa weyn ee gaadiidka xamuulka ah dajin kara.

Isku tashigan ayaa badbaado u noqon kara Hantida faraha badan ee ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed, taas oo ku caariday xeebta magaalada Boosaaso, markii ay cilad soo wajahday doonida, sidaas oo kalena ay ku dhufteen dabeylo xoog badan.

XIGASHO : puntlandtimes






This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

DAAWO SAWIRRO: Dadaaladii ugu dambeeyey ee lagu badbaadinayo Hantida Doonida Caariday ee Boosaaso & Ganacsatada maskax wanaagsan la timid

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×