Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Warbixin : Maamulka Gobolka Gardafuu oo kormeeray Xarumaha waxbarashada Degmada Baargaal


BAARGAAL.NET , september 19 2017 - Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu mudane Maxamuud axmed Caynab Gubsul ayaa maanta kormeeray goobaha waxbarashada ee degmada Baargaal.

maamulka gobolka oo kormeerkiisan ku daraasaynaya heerka waxbarasho ee degmada ayaa kormeeray Dugsiga sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal iyo dugsiga Hoose dhexe ee Bilaal ee Degmada Baargaal oo ay xilligaasi ku jireen arday farabadan oo qaadaynaysa duruustii maalinlaha ahayd.

Gudomiyaha Gobolka Gardafuu iyo Gudoomiyaha degmada Baargaal mudane abuukar indhacade ayaa kormeerkoodan ugu kuurgalayay waxbarashada degmada iyo baahiyaha ka jira ee u baahan wax ka qabashada.


Intii wafdigani ay kormeerkan ku jireen waxay warbixino kala duwan ka dhagaysteen maamulada dugsiyadan iyo macalimiinta qaarkood, waxayna booqdeen Fasalada ay duruustu ka socotay iyagoo la sheekaysanayay ardayda una jeedinaya khudbado wacyigalin ah.

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu ayaa  wuxuu masuuliyiinta dugsiyadan uu maanta kormeeray  kala hadlay sidii ay wada shaqeyn u dhex mari lahayd iyo qaabka ugu haboon ee wax looga qaban karo baahiyaha waxbarasho ee ay soo gudbiyeen.

MaamulkaGobolka Gardafuu ayaa dhawaantan waday dadaalo uu la kaashanayo qaybaha bulshada ee degmada oo wax looga badelayo dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha iyo nadaafada iyo bilicda magaalada iyo adeegyada kale ee daruuriga ah .

                
              Xafiiska Baargaal - Gobolka Gardafuu

               Email:             [email protected] 
               Facebook       facebook.com/Baargaal
              Twitter            @baargaalnet
               whatsapp :     0907382000
               youtube          youtube.com/baargaal



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Warbixin : Maamulka Gobolka Gardafuu oo kormeeray Xarumaha waxbarashada Degmada Baargaal

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×